Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL oo Adkeeyay Baridda Waddaniyadda iyo Dastuurka

Tuesday February 24, 2026 - 11:21:57
HADHWANAAGNEWS
Kor u qaadista wacyiga dastuurka.



Hargeysa – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in ay muhiimad weyn qaranka u leedahay in dhalinyarada la baro waddaniyadda iyo fahamka Dastuurka dalka.

 

Agaasimuhu waxa uu xusay in qof walba ay waajib ku tahay inuu garto waxa Dastuurka dalku u damaanad qaaday iyo waxa uu ka reebay, si muwaadinku u fahmo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa.

 

"Aad bay muhiim u tahay in da’ yarta xididkooda lagu beero dareenka waddaniyada iyo fahamka dastuurka. Qof kastaa waa mudan yahay inuu garto xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee dastuurku damaanad qaaday,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

 

Barnaamijka "Daljir”

 

Hadalka Agaasimaha ayaa yimid xilli uu ka hadlayay daah-furka barnaamijka Daljir, oo loo qabtay ardayda jaamacadaha dalka, kaas oo ujeeddadiisu tahay:

 

Kor u qaadista wacyiga dastuurka.

 

Xoojinta dareenka waddaniyadda.

 

Fahamsiinta dhalinyarada doorkooda ku aaddan ilaalinta qaranimada iyo sharciga dalka.

 

Barnaamijkan ayaa la filayaa inuu ka qayb qaato dhisidda jiil aqoon u leh dastuurka, isla markaana fahamsan masuuliyadda ka saaran ilaalinta midnimada iyo qiyamka qaranka.

     
Loading...