Wasaaradda Waxbarashada oo Daah-furtay Mashruuca Horumarinta Ardayda ay soo wajahaan Duruufaha Adag

Thursday September 18, 2025 - 12:09:34
hadhwanaagnews
Mashruucan, oo qayb ka ah qorshaha horumarinta waxbarashada...



Barnaamijka Waxbarashada ee toddobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa WasaaradDa Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland oo Daah-furtay Mashruuca horumarinta ardayda ay soo wajahaan duruufaha adag.

Mashruucan, oo qayb ka ah qorshaha horumarinta waxbarashada degdegga ah, wuxuu diiradda saarayaa sidii loo taageeri lahaa ardayda ay soo wajahaaan duruufaha adag, gaar ahaan kuwa leh baahiyaha gaarka ah. Mashruucan waxa ka faa’iidi doona in ka badan 21,000 oo arday, taas oo

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Mudane Ismaaciil Ducaale Yuusuf, oo ay weheliyaan Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Faacuul iyo Agaasimaha guud Cabdiraxmaan Xuseen X.Xirsi ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuca Education Cannot Wait (ECW) oo laga hirgelin doono Soomaliland.

Mashruucan, oo qayb ka ah qorshaha horumarinta waxbarashada degdega ah, waxa uu diiradda saarayaa sidii loo taageeri lahaa ardayda ay soo wajahaaan duruufaha adag, gaar ahaan kuwa leh baahiyaha gaarka ah. Mashruucan waxa ka faa’iidi doona in ka badan 21,000 oo arday, taas oo noqonaysa mid wax ku soo kordhinaysa horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey madasha furitaanka mashruuca ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga iyo wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee taageeraya waxbarashada Somaliland. Waxa uu carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay xog dhamaystiran iyo nidaam hufan oo lagu qiimeeyo baahiyaha jira, si loo hubiyo in mashruucu si wax-ku-ool ah u gaadho ardayda loogu talo galay.

"Waxa aanu doonaynaa in mashruucani noqdo mid wax weyn ka beddela mustaqbalka ardayda Soomaaliland, gaar ahaan kuwa dhibaatooyinka badan la kulma. Taasi waxay u baahan tahay wada-shaqayn dhab ah iyo xog-ururin dhamaystiran si faa’iidada mashruucu u noqoto mid la taaban karo,” ayuu yidhi Wasiir Ismaaciil Ducaale Yuusuf.

Mashruuca ECW waxa iska kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada, hay’adda caalamiga ah ee UNICEF iyo hay’ado kale oo maxalli iyo caalami ah, kuwaas oo dhammaantood ku hawlan sidii loo xaqiijin lahaa in waxbarashadu noqoto mid furan, cadaalad ah, isla markaana la gaadhsiiyo ardayda nugul ee u baahan.

Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ayaa kor u qaaday horumarinta waxbarashada dadka baahiyaha gaarka qaba ee duruufaha gaarka ahi ay ku gedaamanyihiin .iyaga oo fulinaya siyaasada guud ee qaranka ee waxbarashada dalka.

     
Loading...