Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku tallaabsatay horumar ballaadhan oo dhinaca horumarinta tiknoolajiyadda ah, iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo sugidda amniga xogaha iyo kor u qaadidda kaabeyaasha dijitaalka ah ee qaranka, si loo xoojiyo adeegyada casriga ah ee dowladda.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan Technical Mission (TTM) ay si rasmi ah u kala saxeexdeen heshiis istaraatiji ah oo lagu dhisayo Xarunta cusub ee Kaydka Xogta Qaranka Somaliland (National Data Center).
Mashruucani waxa uu muhiim u yahay dadaallada Somaliland ee ku aaddan horumarinta dowladnimo ku saleysan tiknoolajiyad casri ah (e-Government), waxaana uu fure u noqonayaa ilaalinta, kaydinta iyo maamulka xogaha dowladda, iyadoo si weyn loogu yareynayo ku-tiirsanaanta adeegyo dibadeed, laguna xoojinayo madax-bannaanida dijitaalka ah ee qaranka. Somaliland E-Government waa tiir muhiim ah oo ka mid ah yoolalka istaraatiijiga ah ee lagu gaadhayo dhismaha dowlad casri ah, isla markaana muwaadiniinta iyo ganacsatada u sahasha ka faa’iidaysiga tijnoolajiyadda.
Xaruntani waxa ay noqon doontaa xuddunta dhexe ee kaydinta, maaraynta, iyo ilaalinta xogaha dowladda, iyadoo si weyn u yarayn doonta khataraha amni ee xogaha dhijitalka ah ee qaranka iyo ku-tiirsanaanta adeegyada dibadda (third-party services), taas oo si weyan u xoojinayso madax-bannaanida Somaliland ee dhanka xogaha qaranka.
Tani waa tallaabo muujinaysa sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay horumarinta kaabayaal dijitaal ah oo casri ah, kuwaas oo fure u noqon doona kobaca adeegyada elektaroonigga ah, xoojinta hufnaanta maamul, iyo dhisidda kalsoonida dadweynaha.
Xarunta Kaydka Xogta Qaranka ayaa awood u yeelan doonta in ay si badbaado leh u kaydiso xogaha muhiimka ah ee dowladda, sida diiwaannada muwaadiniinta, xogaha maaliyadeed, adeegyada bulshada, iyo nidaamyada maamulka hay’adaha. Intaa waxaa dheer, xaruntani waxay fure u noqon doontaa horumarin dheeraad ah oo lagu samayn karo adeegyada e-Government, taasoo lagu gaadhi doono adeegyo dijitaal ah oo si toos ah loogu fidiyo muwaadiniinta, meelkasta oo ay joogaan.
Talaabadan ayaa imaneysa xilli uu jiro baahi isa soo taraysa oo ay dowladaha caalamku u qabaan ilaalinta xogtooda qaran, gaar ahaan xilliyada ay dunidu la tacaalayso khataraha tiknoolajiyadeed sida weerarrada internet-ka (cyber-attacks), xatooyada xogaha, iyo hubantci la’aanta adeegyo dibedda laga maamulo.
Sidoo kale, xaruntani waxay fursad weyn siin doontaa in dalka laga hirgeliyo madallo isku xidhan oo lagu wadaago xogaha dowladda, taasoo hoos u dhigi doonta waqti luminta iyo is-daba-marinta adeegyada, iyadoo sidoo kalena kor u qaadaysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.
Gunaanad:
Hirgelinta Xarunta Kaydka Xogta Qaranka waa tallaabo istaraatiji ah oo tilmaamaysa in Somaliland ay si dhab ah ugu socoto dhinaca horumarka dijitaalka ah iyo dowladnimada casriga ah. Waa astaan muujinaysa isku-filnaanta, madaxbannaanida tiknoolajiyadeed, iyo aragti fog oo ku wajahan kobcinta adeegyada dowladda, ilaalinta xogaha, iyo dhisidda mustaqbal dijitaal ah oo u adeegaya muwaadinka.