Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL: Tiirka Nabadgelyada, Amniga iyo Midnimada Qaranka

Monday September 01, 2025 - 12:38:21
hadhwanaagnews
Wasaaraddu waxay hirgelisay qorshayaal joogto ah oo lagu xoojinayo



Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, ayaa muujisay karti hoggaamineed, dedaal joogto ah, iyo aragti fog oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada, xasiloonida gudaha, iyo midnimada bulshada. Hoggaanka sare ee wasaaradda oo ay horkacayaan Wasiirka wasaaradda Mudane Cabdalle Maxamed Carab, Wasiiru-dawlaha Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) iyo Agaasimaha Guud Maxamed Cali Maxamuud (Shabeel), ayaa si muuqata uga dhabeeyay himilooyinka xukuumadda ee ku wajahan sugidda amniga, ilaalinta kala dambeynta, iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha amniga.

Wasaaraddu waxay hirgelisay qorshayaal joogto ah oo lagu xoojinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan xasiloonidas gobollada Somaliland, iyadoo kaashanaysa taliyeyaasha ciidamada, maamulka gobollada, dawladda hoose, iyo guddiyada nabadgelyada. Waxa kale oo ay hormuud u tahay la-dagaalanka qabyaaladda iyo kor u qaadista midnimada qaranka, iyadoo dhiirrigelinaysa is-dhexgalka bulshada, wacyi-gelinta muwaadiniinta, iyo dhiiri-gelinta in muwaadiniinta reer Somaliland ay helaan adeeg bixin ku dhisan hannaan caddaaladeed oo loo siman yahay dhammaan deegaanada Somaliland.

Shirarka toddobaadlaha ah ee uu guddoomiso Agaasimaha Guud waxay muhiim u yihiin qorsheynta amniga, falanqaynta khataraha, tayaynta shaqaalaha, iyo xoojinta nidaamka maamulka gudaha. Safarada wasiirka iyo wasiiru-dawlaha ee gobollada, iyo kormeerada xarumaha maamulka Gobollada dalka, ayaa muujinaya muhiimadda ay wasaaraddu siinayso isku-xidhnaanta heer qaran iyo heer gobol.

Waxqabadka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Somalialnd ayaa tusaale u ah sida hoggaan daacad ah iyo wadajir qaran loogu gaadhi karo xasilooni, nabad, iyo horumar bulsho oo waara. Haddaba wargeyska Dawan ayaa falanqayn uu ka sameeyay waxqabadka wasaaradda, waxa aynu ku eego doonaa qodoban:

Hoggaanka Wasaaradda oo Muujiyay Aragti Dheer:

Wasiir Cabdalle Maxamed Carab: dedaalada joogtada ah ee Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga JLS, ayaa noqday wejiga cusub ee hoggaan ku dhisan daacadnimo, iyadoo kulamada uu la yeeshay guddiyada nabadgelyada gobollada, kormeerada amni, iyo la-tashiyada kala duwan ay iftiimiyeen sida ay wasaaraddu uga go’an tahay in la sugo amniga guud. Go’aamada degdegga ah ee lagaga hortagayo khataraha amni ee suuragalka ah waxay calaamad u yihiin feejignaanta iyo firfircoonida hay’adda ugu muhiimsan amniga guud ee qaranka.

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga: Wasiiru-dawlaha wasaaraddas Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), wuxuu si gaar ah ugu suntan yahay xalinta khilaafaadka bulshada iyo u istaagidda arrimaha bini’aadantinimo, sida gurmadka abaarta iyo dhex-dhexaadinta beelaha ku murmay deegaannada sida Shiikh Awaare ee gobolka Selel. Tani waxay muujinaysaa in amnigu aanu ku koobnayn ciidan iyo sharci kaliya, balse uu sal u yahay wada-hadal, isu-tanaasul iyo faham siyaasadeed oo qoto dheer.

Agaasimaha Guud: Xoojinta Amniga iyo Tayaynta Maamulka:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maxamed Cali Maxamud (Shabeel), ayaa todobaadkiiba hal mar guddoomiya shirar lagu gorfeeyo khataraha amniga qaranka, kuwaas oo ay ka qaybqaataan agaasimayaasha waaxaha, la-taliyayaasha sharciga iyo saraakiisha ciidamada kala duwan. Shirarkan joogtada ah waxay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha amniga, tayaynta maamulka gudaha, qiimeynta waxqabadka, iyo horumarinta hanaanka shaqo-wanaaga ee wasaaradda, taasoo ka dhigaysa mid nidaamsan, qorsheysan, isla markaana si hufan uga jawaabta caqabadaha amni ee dalka.

Xoojinta Amniga Caasimadda iyo Gobollada

Wasaaraddu waxay xoojisay qorshayaal lagu sugi karo amniga caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan gobollada dalka. Kulamada ay ka qaybgaleen taliyeyaasha ciidamada, maamulka gobolka Maroodi-Jeex, dawladda hoose, iyo guddiyada nabadgelyada degmooyinka caasimadda ayaa lagu dardar-geliyay wada-shaqaynta hay’adaha iyo iskaashiga bulshada, si loo xaqiijiyo jawi nabdoon oo lagu horumarin karo adeegyada bulshada.

La-dagaalanka Qabyaaladda iyo Xoojinta Midnimada Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland waxay hormuud ka tahay la-dagaalanka qabyaaladda iyo dhismaha bulsho mideysan, nabad ah, oo ku dhisan is-aaminaad iyo wadajir. Iyadoo la adeegsanayo shirar, kulamo, iyo ololeyaal wacyi-gelin ah, wasaaraddu waxay kor u qaadaysaa midnimada qaranka, waxaanay si joogo ah u dhiirrigelisaa is-dhexgalka bulshada, iyo bixinta adeegyo siman. Waxay sidoo kale muujisay in muwaadinku yahay tiirka qaranka, laguna qiimeeyo wadaniyad, karti, iyo daacadnimo halkii laga eegi lahaa reernimo, taasoo cadeyn u ah doorka muhiimka ah ee hay’ad dowladeed ku leedahay dhismaha bulsho cadaalad ah, horumarsan, oo mideysan.

Dedaallada Nabadgelyada Gobollada

Kulankii uu Wasiirku la yeeshay Guddida Nabadgelyada Gobolka Awdal ee uu hormuudka ka ahaa Guddoomiyaha gobolka, Mudane Maxamuud Xasan Jaamac (Xodey), ayaa muujiyay doorka firfircoon ee wasaaradda ee sugidda amniga. Kulankaas oo ay ka qeybgaleen dhammaan taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee gobolka wuxuu caddeeyay in amnigu yahay masuuliyad la wadaago oo ku saleysan wada-tashi, is-dhexgal, iyo kalsooni dowladeed.

Xalinta Khilaafaadka Beelaha iyo Ka Hortagga Shaqaaqooyinka

Safarkii uu Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dawlaha, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ku tegay deegaanka Shiikh Awaare wuxuu ku dhammaaday heshiis rasmi ah oo lagu xalliyay khilaaf beeleed. Wada-hadalka, isu-socodka madaxda, iyo kulamo is-afgarad ah ayaa muujinaya sida dowladdu u garowsatay muhiimadda xasilloonida bulshada dhexdeeda, taas oo saldhig u ah deggenaanshaha qaranka.

Gurmadka Abaaraha iyo Ka Warqabka Xaaladda Bulshada

Weftigii Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Maalgashiga ee socdaalka ku tegay gobollada bariga, gaar ahaan Sanaag, waxay muujiyeen in wasaaraddu tahay hay’ad si dhab ah uga jawaabta baahiyaha degdegga ah ee shacabka. Kormeerka iyo la-tashiyada deegaanka ee lagu ogaanayo saamaynta abaarta ayaa ah astaan ka tarjumaysa dowlad u taagan ilaalinta nolosha shacabka.

Qorsheynta Joogtada ah iyo Qiimeynta Amniga Qaranka:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland waxay hirgelisaa qorshayaal joogto ah oo lagu xoojinayo amniga, midnimada qaranka, iyo wada-shaqaynta hay’adaha iyo bulshada. Shirarka toddobaadlaha ah ee Agaasimaha Guud la yeesho agaasime-waaxeedyada iyo masuuliyiinta sare waxay xaqiijiyaan dabagalka khataraha amni, tayaynta shaqaalaha, hagaajinta isgaadhsiinta, iyo diyaarinta istaraatiijiyad amni oo degdeg ah, taasoo muujinaysa hufnaanta, daahfurnaanta, iyo kartida hoggaamineed ee wasaaradda.

Muhiimadda Kulanka EU-CAP iyo Jetty Station-ka Berbera:

Kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, iyo masuuliyiinta EU-CAP oo 26-kii bisha August 26, 2025 ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa lagu falanqeeyay arrimo badan oo la xidhiidha horumaritna amniga qaranka iyo xoojinta awoodda ciidamada, kulankaasi wuxuu ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga amni, tababarka ciidamada, iyo taageeridda nidaamka sharciga, si loo horumariyo awoodda ciidamada iyo xasilloonida dalka. Dib-u-habaynta Jetty Station-ka Berbera, oo ah saldhig yar oo ciidanka ilaalinta xeebaha JSL ay ka hawlgalaan, waxay muhiim u tahay ilaalinta xeebaha, ka-hortagga budhcad-badeedda, tahriibka sharci-darrada ah, iyo badbaadinta kheyraadka badda, taasoo kor u qaadaysa awoodda amni ee dalka iyo sumcadda Somaliland ee caalamka.

Sidoo kale, kulankii wasiirka iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah ee UN ayaa lagaga wada-hadlay xoojinta Mashruuca UN-Joint Rule of Law Phase II kaas oo sii xoojinaya iskaashiga dhinaca amniga, tababarrada ciidamada, iyo dhisidda hay’ado amni oo casri ah.

Muhiimadda Safarka Wasiiru-Dawlaha ee Gabiley:

Safarka uu Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalol), 24-kii August 2025 ku tagay magaalada Gabiley ayaa ahaa tiir ka mid ah dadaalka joogtada ah ee xukuumaddu ku doonayso inay xoojiso wada-shaqaynta iyo isku xidhnaanta heer qaran iyo heer gobol. Wasiiru-dawlaha ayaa halkaasi kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamed Jaamac Bookh, iyo Taliyaha Qaybta Booliska gobolka, Cismaan Xaashi Daahir, kaas oo muujinaya fahamka wasaaraddaee la xidhiidha doorka weyn ee maamulka goboladu ka qaato sugidda amniga, dejinta siyaasadaha maamulka hoose, iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada.

Kormeerkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobolka Awdal

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa 22-kii August 2025 kormeer hawleed ku tagay gobolka Awdal, halkaas oo uu si gaar ah u soo indho-indheeyey dhismaha cusub ee xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Awdal. Kormeerkan ayaa ka tarjumaya sida ay wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta iyo tayaynta kaabeyaasha maamulka gobollada, si loo xoojiyo adeegyada bulshada iyo hannaanka dawladnimo ee heer gobol.

Gunaanad

Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, oo uu hormuud u yahay Wasiir Cabdalle Maxamed Carab, waa mid muuqda, wax-ku-ool ah, isla markaana taabanaya nolosha shacabka. Xasiloonida gudaha, xoojinta midnimada qaranka, iyo la dagaalanka qabyaaladda, kuwaas oo ah qaar kamid ah tiirarka ay wasaaraddu sida cad uga shaqaynayso.

Wargeyska Dawan wuxuu si buuxda u taageerayaa dedaallada Wasaaradda, wuxuuna ku dhiirrigelinayaa dhammaan laamaha kale ee dawladda in ay si buuxda u taageeraan shaqo-wadaagga, is-xilqaanka iyo hufnaanta maamulka ee ka muuqda hay’adda amniga dalka. Nabaddu waa halbowlaha horumarka, amniguna waa lafdhabarta dowladnimada, Somaliland-na waxa ay tusaale u tahay sida labadaas loogu gaadhi karo hoggaan dhab ah iyo wadajir qaran.

     
Loading...