Xukuumadda oo Adkaysay Guud ahaan Amniga iyo Xasiloonida Sanaag

Monday September 22, 2025 - 15:10:06
hadhwanaagnews
Dhiirrigelinta iyo taageerada shacabka gobolka ayaa ah tiir muhiim



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa tallaabo muuqata ka qaadday sugidda amniga gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, iyadoo ciidamo si gaar ah u tababaran la geeyey halkaas. Tani waxay muujinaysaa go’aan adag oo lagu doonayo in lagu xakameeyo rabshadaha iyo fal kasta oo khatar ku noqon kara amniga iyo xasiloonida gobolka Sanaag.

Badhasaabka gobolka Sanaag, Mudane Axmed Isdeber, ayaa caddeeyay in ciidamadan ay leeyihiin awood iyo tababar heer sare ah, loona qoondeeyey inay ka hortagaan cid kasta oo carqaladeyn karta nabadda iyo xasiloonida. Tani waa tallaabo lagu dhiirrigelinayo kalsoonida bulshada iyo ilaalinta nabadda guud ee gobolka, taas oo aasaas u ah horumar waara.

Dhiirrigelinta iyo taageerada shacabka gobolka ayaa ah tiir muhiim ah oo ka qayb qaadanaya guulaha amni iyo xasiloonida guud ee gobolka. Baahida loo qabo iskaashi buuxa oo dhex mara ciidamada amniga iyo bulshada ayaa mar kale la adkeeyey, si loo xaqiijiyo in hawlgallada nabad ilaalinta ay noqdaan kuwo waxtar leh oo la jaanqaada baahiyaha dadka.

Falanqayntan Wargeyska Dawan, waxay ku boorrinaysaa

bulshada reer Sanaag inay kaalin mug leh ka qaataan wada shaqeynta ciidamada, si loo abuuro jawi nabdoon oo ay ku noolaadaan dhammaan dadka gobolka. Xukuumadda Somaliland waxay muujisay go’aan adag iyo qorshe cad oo lagu sugayo ammaanka, taas oo ah talaabo lagu faani karo laguna kalsoonaan karo mustaqbalka gobolka Sanaag.

Guusha dadaalladan waxay u baahan tahay midnimo, dulqaad, iyo isku duubni dhexmarta dhammaan qaybaha bulshada iyo maamulka, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ay ka faa’iideystaan jiilalka soo socda.

     
Loading...