Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa si cad u muujisay kaalinteeda muhiimka ah ee ilaalinta caafimaadka bulshada, sugidda badbaadada muwaadiniinta, iyo hubinta tayada badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa gudaha lagu isticmaalo. Muddooyinkii ugu dambeeyey, waxqabadkeeda joogtada ah ayaa noqday tusaale qaran oo muujinaya sida cajiibka ah ee ay ha’addu u maaraysay masuuliyadda iyo ilaalinta badqabka bulshada.
Hawlaha joogtada ah ee kormeerka, baadhista, iyo gubista badeecadaha dhacay ama tayadoodu liidatay ayaa kor u qaaday kalsoonida shacabka. Kormeerro lagu sameeyey suuqyada gudaha, dekedaha, iyo goobaha kaydinta dawooyinka iyo raashinka ayaa keentay in la qabto badeecado iyo dawooyin khatar ku ah caafimaadka bulshada. Gubista badeecadahaas ayaa sidoo kale farriin cad u diraya ganacsatada doorbida faa’iidada gaaban iyagoo halis gelinaya badqabka caafimaadka bulshada.
Sidoo kale, hay’addu waxay xoogga saartay dhisidda aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee shaqaalaha iyo laamaha gobollada iyada oo u qabatay tababbarro iyo kulamo is-dhexgal ah. Taageerada iyo iskaashiga caalamiga ah ee ay ka hesho hay’adaha caalamiga ah ayaa caddeyn u ah in hawlaheedu aanay ku koobnayn gudaha dalka oo kaliya, balse ay gaadheen heerar caalami ah oo la xidhiidha caafimaadka bulshada iyo tayada badeecadaha.
Intaa waxaa dheer, hay’addu waxay dardargelisay wada-shaqaynta laamaha dawladaha hoose iyo wasaaradaha la xidhiidha caafimaadka iyo deegaanka. Tani waxay muujinaysaa in ilaalinta tayadu aanay ahayn hawl hal hay’ad ku kooban, balse ay tahay masuuliyad qaran oo u baahan iskaashi dawladeed iyo mid bulsho.
Waxqabadka muuqda ee hay’addu wuxuu caddeynayaa in Somaliland laga hirgelin karo hay’ado qaran oo hufan, daacad ah, isla markaana si dhab ah uga jawaaba baahiyaha shacabka. Bulshada iyo ganacsataduba waa inay garab istaagaan hay’adda, si loo hubiyo in badeecad kasta oo dalka soo gasha ama gudaha lagu iibinayo in ay noqoto mid tayo leh, caafimaad ahaan la hubo, isla markaana sharci ahaan waafaqsan.
Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland waa tiir muhiim u ah ilaalinta caafimaadka bulshada iyo tayada badeecadaha, waana astaan muujinaysa dawladnimo masuuliyad leh oo tayo ku dhisan. Waxay si gaar ah xoogga u saartay wax ka qabashada arrimo ay ka mid yihiin:
Kormeer, Baadhis iyo Gubid Badeecado Dhacay:
Hay’addu waxay si joogto ah u kormeertaa suuqyada gudaha, dekedaha, madaaradda, kastamada xuduudaha iyo goobaha kaydinta dawooyinka. Badeecado iyo dawooyin halis ku ah caafimaadka bulshada ayaa la qabtay, halka gubista badeecadaha dhacay ay tahay farriin cad oo ku wajahan ganacsatada doorbida faa’iidada gaaban, isla markaana dhiirrigelinaysa ganacsatada daacad ah.
Heer-tayeedyada Qaranka: Xalka Sugnaanta Tayada:
Shirkii gudidda farsamada ee samaynta heer-tayeedyada qaranka ee dhowaan lagu qabtay xarunta Hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu dardargelinayo dejinta heer-tayeedyo rasmi ah oo mideysan. Iskaashiga ka dhexeeya Hay’adda Dhawirsta Tayada, Wasaaradaha Qaranka, Warshadaha dalka iyo hay’adaha cilmi-baadhista ayaa muujinaya in sugiddsa tayada badeecadaha iyo adeegyadu ay tahay arrin qaran oo loo dhan yahay.
Sugiddda Heerarka tayadu waxa ay dhiirrigelinayaan tartan caddaalad ah, waxayna sare u qaadaan kalsoonida macaamiisha gudaha iyo suuqyada caalamka. Halbeegyadaasi waxay sal u yihiin kobaca dhaqaalaha iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.
Shaybaadhka Qaranka ee Berbera:
Furitaanka tartanka dhismaha Shaybaadhka Qaranka ee Berbera waa horumar weyn oo dhanka kaabeyaasha tayada ah. Mashruucani wuxuu sare u qaadi doonaa awoodda dalka u leeyahay in uu si madax-bannaan u qiimeeyo tayada badeecooyinka.
Iskaashi Caalami ah iyo Heerarka Adduunka:
JSL waxay xidhiidh iyo iskaashi la leedahay hay’adaha caalamiga ah, taas oo ka caawisay Somaliland la jaanqaadista heerarka caalamiga ah ee ilaalinta tayada iyo badqabka cuntada. Iskaashigan wuxuu sidoo kale fure u yahay soo kordhinta aqoon iyo tiknoolajiyad casri ah oo dalka ka hirgashay.
Kulankii dhawaan dhex-maray Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyo Trade Mark Africa ayaa xoojiyay xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya labada hay’adood. Hay’adda dhawrista tayada Somaliland waxay sannadkan heli doontaa qalab casri ah oo shaybaadh ah, taasoo kor u qaadaysa heerka aqoonsiga tayada dalka.
Ilaalinta Xuduudaha: Hawlgalkii Kastamka Caynaba
Hawlgaladii la fuliyey ee Kastamka Caynaba waxay muujinayaan doorka firfircoon ee hay’addu ka qaadanayso hubinta tayada badeecooyinka soo galaya dalka. Waa tallaabo muhiim u ah badbaadada bulshada iyo ilaalinta sumcadda badeecooyinka gudaha.
Kalsoonida Bulshada iyo Ilaalinta Sharciga:
Tallaabooyinka muuqda ee hay’addu qaaday waxay kor u qaadayaan kalsoonida shacabka, iyada oo muujinaysa in caafimaadka iyo badqabka bulshada ay yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumadda wadajir iyo waxqabad. Sidoo kale, waxay caddeynayaan in sharciga iyo xeerarka arrintaasi la xidhiidhaa ay yihiin kuwo si dhab ah loo dhaqan geliyay, islamarkaana ay la jaanqaadayaan baahida iyo danaha bulshada.
Tababbaro iyo Dhisidda Aqoonta Shaqaalaha:
Hay’addu waxay xoogga saartay dhisidda xirfadda shaqaalaha iyadoo tababbarrada iyo kulamada is-dhexgalka joogtada ah oo lagu horumariyo aqoonta iyo kartida shaqaalaha, si loo hubiyo in hay’addu ay la tacaali karto caqabadaha cusub.
Wada-shaqeyn Dawladeed iyo Bulsho ka Qaybgal:
Hay’addu waxay la shaqaysaa wasaaradaha caafimaadka, deegaanka, ganacsiga, iyo dawladaha hoose, taas oo kor u qaadaysa hufnaanta hawlaha. Bulshada lafteedu waa tiir muhiim ah oo ka qayb qaata ilaalinta tayada, iyadoo wacyigelin joogto ah lagu sameeyo si looga fogaado badeecadaha tayadoodu liidato.
Caafimaadka Bulshada iyo Badbaadada Mustaqbalka:
Dadaalka hay’addu waa maalgashi mustaqbalka ah, si carruurta, dhalinyarada, iyo dadka waaweyn ay u helaan cunto iyo dawooyin ammaan ah. Waxqabadka muuqda ee JSL wuxuu caddeynayaa in hay’adaha qaranku ay noqon karaan kuwo hufan, daacad ah, isla markaana ka jawaaba baahiyaha bulshada. Ilaalinta tayadu waa masuuliyad wadajir ah oo u baahan taageerada muwaadin kasta iyo ganacsade kasta.
Gunaanad:
Heer-tayeedyada qaranku maaha oo kaliya xeerar iyo tilmaamo farsamo, balse waa laf-dhabarta horumarka dhaqaale, badbaadada bulshada, iyo koboca suuqyada ganacsiga. Waxay dhisaan hannaan ay ganacsatadu ku wada shaqayn karaan si caddaalad ah, isla markaana ay bulshada ku heli karaan badeecooyin iyo adeegyo ammaan ah, sidoo kalena waa fursad weyn oo dalka u furaysa suuqyo caalami ah iyo tartan ganacsi oo hufan.
Joogtaynta wada-tashiyada, horumarinta shaybaadhyada casriga ah, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah waa tiirarka muhiimka ah ee lagu gaadhi karo yoolkaas.
Sidaa darteed, Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland waa tiir muhiim u ah ilaalinta caafimaadka bulshada iyo hubinta tayada badeecadaha.
Waa hay’ad astaan u ah in ay Somaliland leedahay xukuumad xil kas ah oo si mas’uuliyad leh uga jawaabaysa baahiyaha bulshada, hufan, isla markaana leh aragti fog oo ku salaysan daryeelka bulshada. Dadaallada hay’addu ku bixisay ilaalinta tayada badeecadaha, bedqabka iyo caafimaadka bulshada, iyo horumarinta agabka shaybaadhadu waxay muujinayaan go’aanka adag ee lagu sugayo tayada nololeed ee bulshada reer Somaliland.