hadhwanaagnews
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey kiis khiyaano lacageed oo ay ku lug lahaayeen nin u dhashay dalka China iyo shakhsiyaad reer Somaliland ah, kuwaas oo shacabka ka dhacay lacago malaayiin dollar ah.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ninka Shiinaha ah uu adeegsanayey application lagu magacaabo "AGA”, kaas oo uu ku khiyaameeyey muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaas oo rajaynayey in ay si fudud ku macaashaan. Lacagta guud ee la sheegay in lagu dhacay dadkaasi ayaa gaadhaysa $2.7 milyan oo dollar, halka tirada dadka la khiyaamay ay tahay 135 qof.
Mudane Cabdinaasir ayaa xusay in ninka Shiinaha ahi uu dalka ka baxsaday, isla markaana uu si khiyaano ah lacagahaasi ugu wareejiyey akoono iyo taleefoono ku diiwaangashan Soomaaliya, kadibna uu galay dalka Kiiniya.
Isagoo arrintaas ka hadlayay, ayuu tilmaamay in Baanka Dhexe iyo hay’adaha amniga ee dalka ay muddo toddoba bilood ah wadeen dabagal iyo baadhitaan adag, isla markaana ay la yeesheen xidhiidh rasmi ah dowladaha Kiiniya iyo China, si loo soo qabto ninkaasi.
"Kiiskii ugu dambeeyay ee noocan ah waa midka lagu magacaabo AGA, oo ay ku lug lahaayeen nin Chines ah iyo dad reer Somaliland ah. Muddo toddoba bilood ah ayuu socday, waxaana dadka laga dhacay ilaa $2.7 milyan oo dollar, taas oo saamaysay 135 muwaadin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi.
Waxa kale oo uu sheegay in la qabtay nin kale oo isna u dhashay dalka China isla markaana qaybka ahaa Applicationka dadla lagu dhacay kaasi oo la dhigay xabsiga, halka kuwo kale oo reer Soomaali ahna gacanta lagu hayo, waxa kale oo uu sheegay gudoomiyuhu in howlgalka lagu soo qabanayo ninka baxsadka ah uu haatan meel wanaagsan marayo.
Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan barnaamijyada iyo apps-yada lagu faafiyo maalgelin been abuur ah, isagoo xusay in Baanka Dhexe iyo hay’adaha amniga ay si dhow ula socdaan dhammaan hababka noocaas ah ee khatarta ku ah dhaqaalaha muwaadiniinta.
Geesta kale xeer ilaaliye Cali Oday oo ka mid ahaa guddida baadhista ee kiiska dadka lagaga dhacay lacagaha badan ayaa dhankisa sheegay in applicationka dad lacagaha lagaga dhacay uu ahaa mid shaqadiisu soo bilaabmantay bishii 2aad ee horaantii sanadkan ilaa bishii 9aad kaasi oo ay hawlgalkiisa iska kaashanayeen laba nin oo u dhashay dalka China iyo shaqsiyaad ay gacan ka helayeen oo u dhashay dalkan Somaliland.
Guddigayagaasi markii aanu howshan galay waxa aan ogaanay in dad badan oo reer Somalialnd ah lagu dhacay application loo yaqaan "AGA”, applicationkaasi waxa uu u shaqaynayaa dadku inay lacag dhigtaan, lacagta marka ay dhigtaana ay helayaan faa’do maalinle ah, faa’iidadaa lacageed ee maalinlaha ahi waxay ku xidhan tahay hadba qofku xadiga lacageed ee uu dhigtoo”ayuu yidhi xeer ilaaliye Cali Oday.
Dhacdadan ay dhibanayaasha ka yihiin dadka gaadhaya 135 qof ayaa hadda waxa u xidhan shan eedaysane oo u dhashay Somaliland iyo mid u dhashay dalka China halka sida xeer ilaaliye Cali Oday sheegay inay jiraan dad kiiskan ku lug lahaa oo baxsad ah isla markaana ay hay’addaha amaanku ku daba jiraan soo qabashadooda.