"Caymisku Bulshada Culays Ma Saarayo, Ee Wuxuu Ka Qaadayaa Culayska Maaliyadeed"

Wednesday August 05, 2026 - 14:10:02
hadhwanaagnews
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in ujeeddada ugu weyn ee Caymiska Qaranku ,,,,



Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, Axmed Xirsi Ducaale, ayaa sheegay in hirgelinta Caymiska Qaranku aanay bulshada ku noqon doonin culays dhaqaale oo dheeraad ah, balse uu yahay nidaam loogu talagalay in lagu yareeyo khasaaraha iyo culayska maaliyadeed ee ka dhasha shilalka, masiibooyinka iyo dhacdooyinka lama filaanka ah.


 

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in ujeeddada ugu weyn ee Caymiska Qaranku ay tahay ilaalinta naf iyo maal, yareynta kharashaadka degdegga ah iyo dhismaha bulsho dhaqaale ahaan ammaan iyo xasillooni ku nool.


 

Waxa uu sheegay in caymisku door muhiim ah ka qaadan doono taageeridda shacabka marka ay la kulmaan dhibaatooyin dhaqaale oo aan la sii qorshayn.


 

"Caymisku ma noqon doono culays maaliyadeed oo fuula bulshada, balse waxa uu noqon doonaa mid ka dulqaada bulshada culayska maaliyadeed ee maanta haysta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, Axmed Xirsi Ducaale.

     
Loading...