"Caymisku Wuxuu Badbaadinayaa Naf, Maal iyo Hanti" – Guddoomiye Axmed Xirsi Ducaale

Wednesday August 05, 2026 - 14:16:25
hadhwanaagnews
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in shirweynaha sanadkan....



Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, Axmed Xirsi Ducaale, ayaa sheegay in ujeeddada Shirweynaha Caymiska Qaranku ay tahay in la dhiso nidaam casri ah oo ilaalinaya nafaha iyo hantida bulshada, isla markaana yareeya khasaaraha ka dhasha shilalka, gubashooyinka iyo masiibooyinka kala duwan.

 

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in shirweynaha sanadkan uu ka duwanaan doono kuwii hore, maadaama diiradda lagu saarayo sidii xal waara loogu heli lahaa khasaaraha joogtada ah ee ka dhasha shilalka gaadiidka, dababka iyo masiibooyinka kale ee saameeya shacabka iyo ganacsiga.

 

Waxa uu tilmaamay in Dekedda Berbera ay maalin kasta ka shaqeeyaan maraakiib ganacsi, isla markaana khasaaraha ku yimaadda badeecadaha ama maraakiibta uu saameyn weyn ku yeesho ganacsatada. Sidaas darteed, ayuu sheegay in hirgelinta Caymiska Qaranku ay door muhiim ah ka qaadan doonto ilaalinta hantida shacabka iyo yaraynta culayska dhaqaale ee ka dhasha khasaaraha lama filaanka ah.

 

Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyey in himilada Hay’adda Caymiska Qaranku ay tahay dhismaha nidaam caymis oo xoojiya badbaadada bulshada, ilaaliya hantida, isla markaana kor u qaada kalsoonida ganacsiga iyo maalgashiga.

 

Waxaanu yidhi:

 

"Waxaanu rabnaa in shirweynahani noqdo mid ka duwan shirarkii hore, kana qayb qaata badbaadinta dhiig-baxa ku socda bulshada Somaliland. Waxa ugu horreeya waa badbaadinta nafaha bini’aadamka ee maalin kasta ku waaya shilalka kala duwan, gubashooyinka iyo khasaaraha hantida. Maalin kasta maraakiib ayaa ka soo dega ama ka dhoofa Dekedda Berbera, waxaana jiri kara hanti lunta ama burburta. Waxaanu doonaynaa in la hirgeliyo caymis ilaalinaya hantida bulshada isla markaana ka dulqaadaya culayska dhaqaale ee ka dhasha masiibooyinka iyo khasaaraha lama filaanka ah.”

     
Loading...