"Caymisku Wuxuu Xoojinayaa Kalsoonida, Ganacsiga iyo Horumarka Somaliland"

Wednesday August 05, 2026 - 14:13:40
hadhwanaagnews
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in nidaamka caymisku uu bulshada ,,,,



Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, Axmed Xirsi Ducaale, ayaa sheegay in hirgelinta Caymiska Qaranku ay door muhiim ah ka qaadan doonto xoojinta kalsoonida bulshada, kobcinta ganacsiga iyo dardargelinta horumarka dhaqaale ee Somaliland.


 

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in nidaamka caymisku uu bulshada siinayo xasillooni naf iyo maalba leh, isaga oo ilaalinaya guryaha, gaadiidka, caafimaadka iyo hantida shacabka, taas oo yareynaysa khasaaraha ka dhasha dhacdooyinka lama filaanka ah.


 

Waxa uu sheegay in Shirweynaha Caymiska Qaranka lagu soo bandhigi doono xeerarka iyo siyaasadaha hagaya caymiska gaadiidka, caafimaadka iyo ganacsiga, si loo dhiso nidaam casri ah oo kor u qaada kalsoonida maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah.


 

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in nidaam caymis oo dhammaystiran uu muhiim u yahay horumarinta Dekedda Berbera iyo isku xidhka ganacsiga Geeska Afrika, isagoo sheegay in himiladu tahay in Somaliland noqoto dal la isku halayn karo oo maalgashi soo jiita.


 

"Caymisku waxa uu keenaa xasillooni oo ka bilaabanta qofka, marka uu caymisto gurigiisa, gaadhigiisa, caafimaadkiisa iyo hantidiisa. Waxa uu ku noolaanayaa degganaansho iyo kalsooni. Shirweynahan waxa aanu ku soo bandhigi doonnaa xeerarka iyo siyaasadaha hagaya caymiska gaadiidka, caafimaadka iyo ganacsiga. Ujeeddadayadu waa in Somaliland is aaminto, duniduna ku aaminto, isla markaana Hay’adda Caymiska Qaranku bulshada u horseeddo faa’iido iyo horumar,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, Axmed Xirsi Ducaale.

     
Loading...