Kullankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga sare ee Hogaaminta Siyaasadda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ka qabsoomay magaalada Hargeysa, waxaana lagu soo bandhigay Qorshaha-hawleedka ay ku shaqayn doonto Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka oo uu gudoominayey Guddoomiyaha Guddiga Hogaaminta Siyaasadda Caymiska qaranka ahna Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Mudane Cabdillaaih Xasan Aadan waxa si wadajir ah uga qayb galay dhammaan xubnaha guddiga, iyada oo kulan-hawleedkan muhiimka ah intii uu socday si weyn loogu lafo-guray qodobadan:
Guddoomiyaha Guddiga, ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in guddigu door muuqda ka qaato dhismaha iyo horumarinta nidaamka caymiska qaranka, si bulshada looga daboolo culaysyada dhaqaale ee ka dhasha caymis la’aanta.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey waxqabadka Maamulka Hay’adda mudadii ay xilka joogen isaga oo xusay in ay ku xidhmaaan wadama jaarka si loo horumariyo qaybta caymiska, aqoon iyo dhaqaale ahaanba.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, oo hore uga tirsanaa guddigii hore, ayaa soo bandhigay waayo-aragnimadii ay board-kii hore ku shaqeeyeen, isagoo bogaadiyey in shaqada halkaas laga sii wado.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa u mahadceliyey xubnaha guddiga, isaga oo ka hadlay shaqada hortaalla Guddiga oo ay ugu weyn tahay hirgelinta nidaamka caymiska qaranka. Waxa kale oo kullanka dood iyo talooyin muhiim ah ka soo jeediyey xubnaha kale ee guddiga.
Ugu danbayn, kullankan ayaa noqonaya mid taariikhi ah, maadaama uu yahay kii ugu horreeyey ee ay si rasmiya u yeeshaan Guddiga cusub ee loo xil-saaray meel-marinta Siyaasadda Caymiska Qaranku, isla markaana lagu daah-furay Qorshaha muddada dhow ee Hay’adda, kaas oo saldhig u noqon doona Qorshe-hawleedka sanadka 2026 ay ku hawlgali doonto Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.