hadhwanaagnews

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqay in dawladda Taiwan ay si rasmi ah u bilaabayso hawlgallada qodista shidaalka JSL horraanta sannadka 2026, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo muujinaysa xidhiidhka sii xoogeysanaya ee labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, tamarta, iyo diblomaasiyadda.
Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan, Ambassador Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, ayaa mashruucan ku tilmaamay mid istaraatiiji ah oo faa’iido weyn u leh guud ahaan mandaqada Geeska Afrika. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in shirkadda CPC Taiwan (Chinese Petroleum Corporation) ay door muuqda ka qaadanayso horumarinta waaxda shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan sahaminta iyo qodista ceelal tijaabo ah oo lagu ogaanayo kheyraadka hydrocarbons-ka ee dalka.
Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, oo u warramayay warbaahinta caalamiga ah ee Taiwan Plus ayaa si rasmi ah u shaaciyay wakhtiga la bilaabayo hawlaha qodista shidaalka Somaliland waxaanu yidhi "Waxaa hore u jiray maalgashi muhiim ah oo naga dhexeeyay Taiwan, kuwaas oo ay ka mid tahay CPC Taiwan, taas oo ka shaqaynaysa qaybta tamarta iyo sahminta shidaalka. Waxaan filaynaa in hawlaha qodista la bilaabo horraanta sanadka 2026.
Taiwan waa mid ka mid ah dalalka ugu horumarsan dhinaca tiknoolajiyadda adduunka. Waxaannu doonaynaa inaannu wax badan ka baranno oo aannu wadaagno aqoonta iyo waayo-aragnimad, hal-abuurnimo iyo maalgashiga, taas oo qayb ka ah siyaasadda horumarineed ee Somaliland.”
Ambassador Galaal, ayaa bogaadiyay xidhiidhka sii xoogeysanaya ee Somaliland iyo Taiwan, waxaanu si gaar ah u ammaanay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee labada dal oo uu tilmaamay in uu yahay mid si degdeg ah u kobcayo, Xidhiidhkaas oo uu sheegay in laga gaadhay midho-dhal iyo natiijo wax ku ool ah, kuna dhisan is-ixtiraam iyo dan wadaag.
Ambassador Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, waxa kale oo uu sharraxaad qotodheer ka bixiyay muhiimadda Juquraafi iyo istaraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo ahmiyadda ay u leedahay arrimaha ganacsiga iyo amniga ee dunida, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Marka loo eego muhiimadda juquraafi iyo goobta istaraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo, waxaanu nahay dal leh fursado dhaqaale iyo marin biyood caalami ah, kaas oo muhiimad weyn u leh gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale ba. Dekedda Berbera ee Somaliland waxay awood u leedahah inay adeegto in ka badan shan boqol oo milyan oo qof, waana albaabka isku xidha Afrika iyo ganacsiga caalamka.”
Safiir Galaal waxa uu sharraxay horumarka ballaadan ee ay Somaliland ka samaysay dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha waxaanu yidhi "Waxaanu samaynay xidhiidho caalami ah, waxaanuna dhisnay kabayaal dhaqaale oo ay ka mid yihiin waddada Berbera Corridor iyo aagga cashuuraha ka caagan ee dekedda Berbera oo caalami ah. Kuwani waa mashaariic kobcinaya dhaqaalaha iyo isu socodka ganacsiga gobolka.”
Mudane Galaal waxa kale oo uu ka hadlay muhiimadda maalgashiga iyo kaalinta horumarka JSL ee Taiwan waxaanu yidhi "Taiwan waa mid ka mid ah waddamada ugu waaweyn ee maalgashiga ku leh Somaliland. Waxaanu aaminsanahay in xidhiidhka dhaqaale ee Somaliland iyo Taiwan uu wax weyn ka tarayo koboca dhaqaalaha qaranka iyo horumarka mandaqada Geeska Afrika.”
"Dhawaan waxa yimid wefti ka socda Baanka Dhexe ee Somaliland si ay u daraaseeyaan nidaamka dhaqaalaha iyo maaliyadda ee Taiwan. Waxaanu eegaynay dhinaca tiknoolajiyadda casriga ah iyo dhaqaalaha si aan uga faa’iidaysano waayo-aragnimada Taiwan” ayuu yidhi waxaanu intaasi ku daray "Somaliland waa dal u furfuran maalgashiga caalamiga ah, balse Taiwan waa mid ka mid ah waddamada aannu sida gaarka ah u qadarinno. Waa waddan aannu mudnaanta koowaad siinayno marka ay timaaddo ganacsiga iyo maalgashiga.”
Gunaanad
Bilowga qodista shidaalka ee Somaliland iyo Taiwan sannadka 2026 waa tallaabo taariikhi ah oo ka tarjumaysa diblomaasiyad hal-abuur leh iyo iskaashi istiraatiiji ah oo ku dhisan dan-wadaag, xorriyad dhaqaale, iyo horumar waara.