Wasaaraddu waxay ballan qaaday in bandhigga la qaban doono dhamaadka
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Cabdisalaan Maxamuud Ducaale, ayaa tilmaamtay in ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu waa weyn ee shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada lagu taageero, taasoo muhiim u ah mustaqbalka qaranka.
Sidoo kale waxa uu xusay in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu dhawaan shaaciyey qorshe weyn oo lagu soo celinayo Barnaamijka Bandhiga Hibooyinka, kaas oo horey u qabsoomay, barnaamijkan ayaa ah fursad ay dhalinyaradu ku soo bandhigaan hal-abuurkooda iyo xirfadaha kala duwan, waxaana kharashka bandhiggan si buuxda u bixin doona madaxwaynaha.
Wasaaraddu waxay ballan qaaday in bandhigga la qaban doono dhamaadka sanadkan, iyadoo looga gol leeyahay in la helo hiboolayaal badan oo xirfado kala duwan ku tartama.
Sidoo kale agaasimaha ayaa ku dhawaaqday in ay dhawaan xadhigga ka jarayaan Tiyaatar yar, kaas oo loogu talagalay in lagu qabto cawaysyo iyo barnaamijyo madadaalo iyo horumarineed oo dhalinyarada loogu adeegayo.
Dhalinyaradu waxay si wanaagsan ugu diyaar garoobayaan barnaamijyadan cusub, iyadoo wasaaraddu ay ka fikirayso sidii si habsami leh loo hirgelin lahaa.
Waxaanu yidhi."Wasaaradda warfaafinta waxaan odhan karaa waa shaqo abuuraha iyo meelaha shaqo abuurka ama xirfadaha lagu soo saaro ee ugu waynee uu Qarankani leeyahay.
Dhawaan sidii Madaxwaynaha Qaranka Somaliland uu shirkii aanu qabanaynay uga sheegay, waxaanu qaban doonaa barnaamijkii bandhiga Hibooyinka ee hore loo qabtay oo aanu soo celin doono oo hal abuurkii iyo xirfadahooda ay ku soo bandhigi doonaa uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somalilandna kharashka bixin doono oo aanu ka ballan-qaaday in aanu sannadka dabayaaqadiisa qaban doono, taasina wax aka soo bixi doona hiboolayaal badan oo noocyo badan oo xirfad ah ku soo bandhigi doona barnaamijka.
Wax kale oo dhawaan madaxwaynuhu xadhiga nooga jari doonaa oo aanu samaynay Tiyaatar yar oo aanu ugu talogalnay in aanu ku qabano cawaysyadii ka wasaarad ahaan, kaasina dhalinyaradu way u soo diyaar-garoobayaan oo qaabkii cawaysyadaasi u hirgali lahaayeena waanu ka fikiraynayn sidii aanu u hirgalin lahayn”