Arrimaha ku gedaaman heshiiska shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya ee muranka badan dhaliyay

Friday April 25, 2025 - 18:40:22
hadhwanaagnews
Waxaa sidoo kale warbixinta heshiiska ku jirta habka loo ...



Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida dood ka abuuray warbixin ay daabacay Nordic Monitor taasi oo ka shaqeysa dabagalka iyo arrimaha cilmi baarisyada waxaana mareegtaasi ay faah-faahisay heshiis la sheegay in sannadkii la soo dhaafay ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka Soomaaliya.

 

Qodobada ku jiray heshiiskaasi waxaa ka mid ah hirgelinta hawshan iyo qaabka loo marayo iyo weliba sida labada waddan ay u qeybsanayaan faa'iidada marka shidaalka Soomaaliya la soo saaro waxaana xusid mudan in Turkidu ay qaadan doonaan saami gaaraya boqokiiba 90 faa'iidada laga helo shidaalka halka Soomaaliyana loo oggol yahay boqokiiba shan.

 

Waxaa sidoo kale warbixinta heshiiska ku jirta habka loo xallinayo muranada iyo weliba haddii labada waddan ay isku fahmi waayaan waxyaabaha qaarkood.

 

Arrintan ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka iyo qeybaha kale ee heshiiskaan diiddan ay si weyn u durayaan, dowladda Soomaaliya oo ay BBC-du xiriir la sameysayna ayaanan beenin amaba aanan ayidin warbixinta mareegta balse waxa ay dowladdu sheegtay in arrintaasi ay war ka soo saari doonto.

 

Faah-faahinta heshiiska la soo bandhigay

 

BBC ayaa qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska ku jira hordhigtay khubaro ka qayb galaysay barnaamijka doodda Jimcaha ee idaacadda BBC, kuwaasoo mid-mid isu dultaagay arrimaha aadka loo hadal hayey.

 

"Heshiiska nuqulkii la soo baahiyay markaad aragto u jeedkiisa waxaa la dheehan karaa inuu dhisayo hannaan iskaashi oo ay labada dal ku hormarinayaan arrimaha batroolka kaas oo u sii gogol-xaaraya heshiisyada dheef wadaagga ee laga geli doono xirmo kasta oo shidaal oo baaritaan iyo wax soo-saar laga sameyn doono taasoo micneheedu yahay inuusan ahayn heshiikii lagu geli lahaa ma ahane heshiis is fahan ah inuu yahay oo labada dal kala saxiixdeen oo heshiisyada kale laga gorgortami doono," ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Faatax Sheekh oo ah sharci yaqaan arrimaha macdanta iyo tamarta.

 

"Dabcan qodobka ugu muhiimsan oo aadka loo hadal hayay ayaa ahaa dowladda Soomaaliya waxa kaga soo aadaya inay tahay boqolkiiba shan halka Turkigana uu qaadan doono boqolkiiba sagaashan, laakiin marka aad warbixinta akhriso wuxuu u dhigan yahay sidaas si ka duwan oo waxa laga hadlayay uun waxay ahayd kharashkii shirkadda Turkiga kaga baxay qaabkii ay ku soo ceshan lahayd marka la soo saaro shidaalka," ayuu sidoo kale yiri Maxamed Faatax Sheekh.

 

Maxamed ayaa sheegay inay xusid mudan tahay in markii la yiraahdo shidaal hala qodo oo heshiis iyo gorgortan hala galo dabcan sida sharciga batroolka Soomaaliyana uu qorayo uu yahay in xirmo kasta si gooni ah heshiis looga galo.

 

Waxa uu tusaale u soo qaatay in haddii shirkadan oo kale ay shan xirmood ay ka shaqo bilaabeyso waxaa lala galayaa shan heshiis. "Heshiisyadaas waxa ugu muhiimsan ee ku jiri doona waa heshiisyo dheef-wadaag ah, waana faa'iidada soo bixi doonta, xisaabtaas oo lagu daray canshuurta laga qaadi doono oo lagu daray khidmadihii iyo gunooyinkii".

 

Waxa uu Maxamed intaa ku sii daray: "Si guud heshiiskaas waa heshiis is af garad ah oo ay labada dal kala saxiixdeen oo baarlamaanka Turkiga sida igu maqaala ah la mariyay, dabcan waana heshiis isbaddal lagu sameyn karo oo waa uu ka fudud yahay heshiis dheef wadaag ah oo ay adag tahay in wax lag baddelo".

 

Naafic Maxamed Cumar oo ah khabiir dhanka shidaalka ah ayaa isna ku raacay Maxamed oo Faatax in heshiiskaan uu yahay heshiis hordhac ah: "Heshiiskan runti waa heshiis sida uu sharci yaqaanka sheegay heshiis kooban oo hordhacna u ah kan dheef-wadaag ah oo ay Soomaaliya iyo Turkiga wada geli doonaan marka la gaaro xirmooyinka la soo saaro laakin dhinaca kale marka aad eegto dowladda Soomaaliya runtii waxay qaadatay door-walba oo heshiiskaan hadda ku qoran wixi ugu hooseeyay ee ay qaadan lahayd, tusaale kale, marka aad fiiriso soo celinta kharashka shirkadda ka galay shidaal soo saarista wuu ka badan yahay heerka caalamka kaas oo u dhaxeeya 40 ilaa 60 boqolkiiba sidoo kale ma cadda muddada ay soconeyso kharash soo celinta shirkadda oo ku xiran iyadana saamiga shirkadda."

 

Maxaa ugu muhiimsan marka ay dowlado kala saxiinayaan heshiisyada noocaan oo kale ah?

Marka ay dowlado kala saxiixanayaan heshiisyada noocaan oo kale waxa ugu muhiimsan saami qeybsiga kaas oo ay muhiim tahay in 3 qodob la is kortaago: 1. Gunno gaar ah 'Royalty Fee' 2. Kharash soo celinta 'Cost recovery' iyo faa'iido qeybsiga 'Profit sharing' oo weliba aad isha loogu fiiriyo Kharash soo celinta oo ah tan hadda doodda ugu badan dhalisay," ayuu yiri Naafic Maxamed Cumar.

 

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo dhawaan ay Turkiga iyo Soomaaliya heshiis ka gaareen baaritaanka shidaalka iyo gaaska ku jira berriga, kaasoo u damaanad qaadaya hay'adda tamarta ee dawladda Turkigu maamusho inay hesho xuquuqda baaritaanka ee ay ku samaynayso seddex xirmo oo Soomaaliya ku yaalla sida ay saraakiil sheegeen.

 

Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay'adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.

 

Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta.

 

Muxuu dhigayaa heshiiskan cusub

 

Waxyaabaha heshiisku dhigayo, inkastoo aan shaaca laga qaadin kharashka ku baxaya, waxaa ka mid ah in seddexda xirmo ee shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan maamul goboleedka Koofur galbeed.

 

"Ka qayb ahaan wejiga xiga, hay'adda batroolka ee Soomaaliya (SPA) waxay diyaarinaysaa inay qaabisho wafdiga 1aad ee ah injineerrada ka socda TPAO, kuwaasoo ujeedadooda ugu horraysa ay tahay inay diiradda saaraan qiimayn xagga amniga ah oo ballaaran, ka hor inta aan la soo dirin kooxda sahanka samayn doonta" ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay'adda batroolka Soomaaliya.

 

Qoraalku wuxuu intaa ku darayaa in sahankan berriga laga samaynayo uu yahay kii ugu horreeyey ee la sameeyo tan iyo 1985, wuxuuna intaa ku daray in hindisahan ay rumaysan yihiin inuu qayb ka qaadan doono adkaynta amniga ee heer gobol iyo mid maxalli ah intaba, uuna "kobcin doono shaqaaleynta iyo fursadaha shaqo ee bulshada Soomaalida, uuna kaalin ka qaadan doono horumarka wakhtiga dheer ee kheyraadka dabiiciga ee dalka".

 

Wasiirka shidaalka ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Istanbul ay marti gelin doonto shir madaxeed ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah, kaasoo la qaban doono bisha soo socota ee Maajo horraanteeda.

 

Wuxuu intaa ku daray in markabka sahanka ee Oruc Reis ee hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya uu weli wado sahanka lakabyada ee loo yaqaanno 3D.

 

Markabka ayaa soo afjaray ilaa 78% hawlaha baaritaanka shidaalka sida uu sheegay wasiirka shidaalka ee Turkiga. "Wixii loo gaaro dhamaadka bisha Maajo, waxaan soo gaba gabayn doonnaa baaritaannada sahanka ee halkaa ka socda" ayuu yiri.

 

Saddexdii bisha Juun 2016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya iyo Turkiga ay kala sixiixdeen heshiis is afgarad oo ku saabsan tamarta iyo macdan qodista. Heshiiskan waxaa dib u dhigay afganbigii dhicisoobay ee 15-kii bisha Luulyo 2016 dalka Turkiga ka dhacay, balse mar labaad ayaa is afgaradkaasi yimid miiska ahmiyadda ee Turkiga kadib markii madaxweyne Erdogan uu baarlamaanka dalkiisa horgeeyay si ay u meel mariyaan.

     
Loading...