Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), ayaa saaka xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Maxamed Diiriye Warsame, iyo wefti uu hoggaaminayey, kuwaas oo booqasho shaqo shalay ku yimid dalka.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka walaaltinimo, saaxiibtinimo, jaarnimo, dhaqameed, iyo mid ganacsi oo ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay fursadaha iskaashi ee u furan labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dalxiiska, iyo isu socodka shacabka labada dhinac.
Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Jabuuti.