XOG KOOBAN Xuseen Aadan Cige (Deyr) Oo Hadlay Safarkii Wasiirka Arimaha Dibada

Saturday January 10, 2026 - 16:40:08
HADHWANAAGNEWS
Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaasi ku sheegay

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Booqashadii rasmiga ahayd ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar, uu ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland lagu qaabilay sharaf buuxda ay muujisay xaqiiqo aan la dafiri karin, oo ah sharciyaddu ay ka dhalato xasilloonida iyo amniga.

Afhayeenku wuxuu xusay in socdaalkaasi astaan u noqday kalsoonida caalamku ku qabo Hay’adaha Somaliland iyo dadkeeda, iyadoo muujisay xidhiidh diblomaasiyadeed oo si furan u socda, kana madhan cabsi, xayiraado amni iyo bandow dadweynaha lagu soo rogo.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu caddeeyay in baaqashadii socdaalkii Wasiirka arrimaha dibadda Shiinuhu ku tagi lahaa Muqdisho, loo baajiyay sababo amni, taasina ay muujinayso halista amni-darradu leedahay.

Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in dalka aan amnigiisa la isku hallayn karin ay diblomaasiyaddu ku curyaanto.

Xuseen Deyr wuxuu xusay in isbarbar-dhigga amniga Somaliland iyo ka Soomaaliya uu yahay xaqiiqo muuqata, Waxaanu ku dooday haddii uu dheelliyo amnigu in xataa xulafadaadu kaa fogaanayso.
Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu bayaaniyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal masuul ah oo dhistay nabad, dimuqraadiyad iyo horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan shacabkeedu.

Mr Deyr wuxuu ku dhaliilay maamulka Soomaaliya inay muddo 34 sanno ah ay ku guuldarraysteen inay muwaadiniintooda gaadhsiiyaan baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, iyadoo ay afduub u haystaan hoggaamiye-kooxeedyo iyo kooxo hubaysan oo ku naaxay dhiig-daadinta.
 
 
 
 
 
     
Loading...