hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee xoolaha dalka, isagoo sheegay in xooluhu weli yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.
Wasiirku waxa uu xusay in inkasta oo ay jireen abaaro baahsan, haddana aanay si weyn u saamayn caafimaadka xoolaha, isla markaana guud ahaan xooluhu yihiin kuwo caafimaad qaba.
Sidoo kale, waxa uu iftiimiyey faa’iidooyinka ay xooluhu ka helaan dhul-daaqsimeedka iyo seeraha, isagoo tusaale u soo qaatay deegaanka Aroori, halkaas oo sanadkan ay ka faa’iidaysteen in ka badan laba milyan oo neef, taas oo kor u qaadday caafimaadka iyo wax-soo-saarka xoolaha.
Dhanka adeegyada caafimaadka xoolaha, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu furtay xarun casri ah oo lagu daaweeyo laguna qalo xoolaha dhaawacma, taas oo sare u qaadaysa tayada adeegyada caafimaad ee xoolaha dalka.
Intaa waxa dheer, Wasiirku wuxuu xusay in dhoofka xoolaha nool uu si wanaagsan u socdo, balse loo baahan yahay in magaalada Berbera laga hirgeliyo deked gaar u ah dhoofka xoolaha, si loo kordhiyo fursadaha ganacsi loona xoojiyo dhaqaalaha Qaranka.
Hadalka Wasiirka ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu horumarinayo caafimaadka xoolaha, wax-soo-saarka iyo dhoofka, si loo xoojiyo koboca dhaqaalaha dalka.