HADHWANAAGNEWS
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa sheegay in xukuumaddu ka go’an tahay xoojinta horumarinta wax-soo-saarka beeraha, gaar ahaan degmada Allaybaday ee gobolka Gabiley.
Wasiirka ayaa ballan-qaaday in degmada la gaadhsiin doono qalab muhiim ah oo beeraha ah, si loo taageero beeralayda loona kordhiyo wax-soo-saarka dalagga.
Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:
"Waxaanu ballan-qaadaynaa in aanu Allaybaday keeno cagaftii beeraha iyo gaadhigii Wasaaradda ee degmada.”
Mudane Maxamuud Cige Yuusuf ayaa xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshaha xukuumadda ee lagu horumarinayo beeraha dalka, isla markaana lagu xaqiijinayo isku-filnaansho cunto iyo koboc dhaqaale.
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu cadeeyay in Wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo beeraha iyo taageerada beeralayda, si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka iyo wax-soo-saarka gudaha.