1- Saamayntii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya.
Dagaallada sokeeye waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu culus ee burburiya bulsho, dal iyo mustaqbal. Soomaaliya waxay tusaale u tahay dal uu dagaal sokeeye ku reebay dhaawac aan sahlanayn oo qarnigii 20-aad dabayaaqadiisii iyo bilowgii qarnigan 21-aad taagan. Dagaalkaasi wuxuu horseeday burbur dhaqan, mid bulsho, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Waxa uu sidoo kale sabab u noqday barakac ballaadhan iyo qaxootinimo, taas oo malaayiin Soomaali ah ku kalliftay inay u qaxaan dalalka jaarka iyo meelo fog oo adduunka ah.
Maqaalkani waxa uu isku dayayaa in uu cilmi
-baadhis ku salaysan si qoto dheer uga falaqeeyo:
1- Saamayntii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya.
2- Doorkii dalalka jaarka iyo kuwa kale ee qaxootiga Soomaaliyeed gaadhay.
3- Isbarbardhigga maanta muuqda ee dalal kale oo laftoodu galay dagaallo sokeeye (Yemen, Sudan, Liibiya , Syria) iyo waxa ay ka baran karaan waayo
-aragnimada dadka Soomaalida.
*Dulucda:
1- Dhibaatadii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya
Xukuumaddii Siyaad Barre waxay ku guuldareysatay ilaalinta midnimada bulshada iyo caddaaladda. Taasi waxay dhalisay kacdoonno hubaysan oo ka dhan ah xukunkiisa, taas oo markii dambena isu rogtay xasuuq sgaxab iyo dagaal sokeeye. Waxaa la xusuustaa dhacdooyin murugo leh oo ay ka mid tahay in diyaaradaha qaranka loo adeegsaday weerarro ka dhan ah magaalooyin Soomaaliyeed dadkii shacabka ahaa ee Dumarka iyi Caruurta iyo Ciroolaha ahaa, iyadoo shacabka loo arkay cadow la tirtirayo.
Dagaalku wuxuu sababay:
Barakac gudaha ah iyo qaxootinimo dibadda ah.
Burbur nidaam dowladeed iyo amni.
Hooyooyin iyo carruur ku nafwaayay rasaasta iyo gaajada.
Burbur guryo, nolol, nabad iyo mustaqbal.
Qoysas badan ayaa ku waayay xubno qaraabo dhow ay yihiin,
taas oo dhaawac nafsi iyo bulsho ku reebtay jiilal badan.
2- Qaxootinimada iyo doorka dalalka jaarka:
Dadka Soomaaliyeed waxay u kala qaxeen dalal badan. Itoobiya waxay si sharaf leh u soo dhaweeysay qaxootiga, halka Kenya ay ku dhaqaaqday siyaasado cadaadis iyo tacaddi ah oo dhaawacay xuquuqda qaxootiga. Dhanka kale, dalal Carbeed sida Yemen, Sudan iyo Liibiya ayaa noqday meel ay kuka kaceen dhacdooyin murugo leh oo ay ka mid yihiin:
Qosol iyo yasiid lagu eedeeyay dadka Soomaalida sababta ay isku dileen.
Afduub, madax
-furasho iyo adoonsi iyo xadhig iyo xuquuq la'aan.
Ka ganacsiga xubnaha jidhka ee dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada iyo gablihii oo ay kufsadeen dalka Liibiya.
Xaqiiqadan waxay Soomaalida ka dhigtay bulsho si weyn ugu dhaawacantay shucuur iyo jiritaan iyo dulmi badan loo geystay oo lama ilaawaan ah.
3- Isbarbardhigga maanta: Yemen oo dulmi aan la soo koobi karayn u geysatay dadkii soomaayeed ee ay jaarka ahaayeen ee u soo qaxay , dalka Sudan iyo dalka Liibiya oo xadkii banii aadanimo dhaaftay dhaqankooda ay kula dhaqmayaan dadkii qaxootiga ahaa
oo aan la soo koobi karayn tacadiyadii ay dadka soomaaliyeed u geysteen oo ilaa iminka socota.
Maanta, dalal badan oo hore ugu qoslay xaaladda dadkii Soomaalida ee qaxootiga ahaa
ayaa laftoodu galeen dagaallo sokeeye. Yemen, Sudan iyo salka Liibiya ayaa soo maraya barakac, gaajo iyo qaxootinimo. Shucuubtooda waxay dhadhansanayaan waxa ay ka dhigan tahay in aad noqoto qaxooti, in aad ku noolaato cabsi joogto ah, in aad waydo nolol iyo nabad.
Waxay maanta fahmayaan:
In dagaalka sokeeye aanu lahayn guuleyste.
In qaxootinimadu tahay nolol khasab ah, balse aan ahayn doorasho.
In burburka dalku uu saamayn ku yeesho jiilal badan oo mustaqbalka ah.
Sidaa darteed, waayo
-aragnimada Soomaalida waxa ay u noqotay cashar muuqda oo dunidu ka baranayso.
*Gunaanad
Soomaaliya waxay noqotay tusaale naxdin leh oo ku saabsan burburka dagaalka sokeeye iyo dhibaatada qaxootinimada.
Dalal badan ayaa markaas ka yaabay sababta Soomaalida ay isku dileen iyo sababta ay u noqdeen qaxooti. Hase yeeshee, maanta shucuub badan oo Carbeed iyo Afrikaan ah ayaa laftoodu dareemaya isla xaaladdii dadka soomaaliyeeddareemi jireen ,
taas oo keentay in la fahmo waxa ay ka dhigan tahay dagaal sokeeye iyo qaxootinimo.
Farriinta ugu weyn waxay tahay: dhibaatada dagaalka sokeeye waa mid bini’aadamnimo oo guud, mana jirto qoomiyad, diin ama dal ka badbaadi kara haddii ay ku dhacdo. Sida Soomaalida uga soo gudubtay murugadii, burburkii iyo qaxootinimadii,
sidoo kale shucuubta maanta dhibaatadu haysato waxay awoodi doonaan inay kasoo kabtaan haddii ay u sabraan oo ay u midoobaan.
Maqaalkani waxa uu caddeynayaa in dagaalka sokeeye aanu u keenin cidna guul, balse uu yahay musiibo ku habsatay qowmiyado badan ,
oo jiilal badan saameysa. Sidaas awgeed, dalalka maanta dagaalka ku jira waxay ka baran karaan Soomaaliya: in xal looga helo sagaalka oo wada hadal la isugu hor fadhiisto oo xal la wada raadiyo, dulqaad iyo midnimo, balse aan dagaal iyo kala qoqobid xal keenayn.
Dadka Soomaaliyeed waayo arag,
Wax badan laga batab karo ,
Dhibaatada qaxootinimo iyo burburka umadaha ee dalkooda iyo naftooda.
Dalkoodii oo qudhi. Ma burburin ee dadkiia
way burbureen.
Duruus badan iyo waayo aragnimo badan ayay ka warami karayaan maanta Dadka Soomaaliyeed.
Qalinkii;
CALI BIIXI