Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Ka Hadlay Mawqifka Soomaaliya, Kuna Baaqay Midnimo Qaran

Wednesday March 18, 2026 - 14:56:54
HADHWANAAGNEWS
Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si joogto ah ugu hawlan



Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa si cad uga hadlay mawqifka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha Somaliland, isaga oo tilmaamay inay jirto cadaawad iyo diidmo ay Soomaaliya ka muujinayso horumarka iyo himilooyinka Somaliland.


 

Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si joogto ah ugu hawlan tahay dadaallo ay ku wiiqayso aqoonsiga iyo midnimada Somaliland, isaga oo xusay inay adeegsanayaan xeelado kala duwan oo ay ku carqaladaynayaan horumarka dalka.


 

Wuxuu yidhi:


"Soomaaliya si ay u dhiciso aqoonsiga aynu helnay iyo midnimadeena, wax kasta oo suurtagal ah ayay samaynayaan."


 

Wasiirka ayaa intaas ku daray in guulaha ay Somaliland gaadhay ay culays iyo walaac ku hayaan Soomaaliya, taas oo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo isku duubnida iyo wadajirka bulshada Somaliland si loo ilaaliyo himilooyinka qaran.


 

Hadalkan ayuu wasiirku ka jeediyay kulan Afur iyo Casho ah oo uu la qaatay bulshada Gobolka Gabiley, halkaas oo uu shacabka ku booriyay inay xoojiyaan midnimada, isla markaana ay ka feejignaadaan wax kasta oo halis gelin kara jiritaanka iyo horumarka Somaliland.

     
Loading...