Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Ciil Kama Koraano,Ceebta Kama Xishoodaan,
Casaanyada Sideedii,Geeskastaba U Cararoo,
Caanad Soo Ma Helino,Cadhunbay Ka Qadeen.
2-Caqli Xume Gurguurtow,Ciidankaagii Madhisayo,
Cagta Mari Shabaabkuyo,Caawimadii Shisheeyaha,
Caalamkiina Kaa Jare,Caaway Kuugu Darantahay.
3-Colaadeeda Somalilaand,Cidiyahaad Ku Dirirtaayo,
Ceebun Baad Ka Dhaxasha,Cashar Maad Ka Baranine,
Cadho Aan Dhamaanaynin,Cudur Weeye Kugu Fiday.
4-Culayskaagan Gudahiyo,Cooladahgan Gobolada,
Cimrigad Maanta Joogtiyo,Cirka Iyo Dhul Ka Dheer,
Cisina Dunidan Kuu Oolin,Car Garoo Isdaba Qabo.
5-Caydhiin Iyo Bisayl Cuntayo Ka Dheregto,Calfkagi Qaade
Ciroolaha Cadibaneed Cadceedaha Ku Saydhiyo,
Caruuruhu Ha Seexdane,Caawaba Maydin Dhaaftaan.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!