Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Berbera oo Faahfaahin ka Bixiyay Horumarka iyo Adeegyada Caafimaad ee Cisbitaalka

Saturday March 14, 2026 - 11:48:57
HADHWANAAGNEWS
Agaasimuhu waxa uu sheegay in cisbitaalka lagu kordhiyay


 

Agaasimaha guud ee Cisbitaalka degmada Berbera, Dr. Axmed Muuse Ibraahin (Xanaf), ayaa faahfaahin ka bixiyay horumarka iyo waxqabadka muhiimka ah ee laga hirgeliyay cisbitaalka intii uu xilka hayay. Agaasimuhu wuxuu sheegay in sannadkii u dambeeyay la qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee bulshada gobolka Saaxil.


 

Dr. Axmed Muuse Ibraahin ayaa xusay in dib loo furay waadhadhkii ragga iyo dumarka ee xummada oo muddo dheer xidhnaa, isla markaana la dayactiray qaar ka mid ah dhismayaasha qadiimka ah ee cisbitaalka. Sidoo kale waxa la sameeyay marin cusub oo isku xidha labada qaybood ee cisbitaalka, si looga hortago khatarta faafitaanka xanuunka TB-da oo hore loogu sii dhex mari jiray.


 

Agaasimuhu waxa uu sheegay in cisbitaalka lagu kordhiyay tayada adeegyada caafimaad, isla markaana ay ka hawlgalaan afar dhakhtar oo takhasus leh oo kala ah dhakhtar lafaha, dhakhtar qaliinka culus, dhakhtar xaaladaha degdegga ah, iyo dhakhtar carruurta. Sidoo kale, dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal kale ayaa lagu xoojiyay tababarro kala duwan oo kor loogu qaadayo xirfaddooda.


 

Waxa kale oo uu tilmaamay in shaqaalaha cisbitaalka si joogto ah loo siiyo tababarro toddobaadle ah, iyadoo qaar ka mid ah dhakhaatiirta loo diray tababarro ku saabsan isticmaalka qalabka ultrasound iyo maaraynta xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.


 

Dr. Axmed Muuse Ibraahin ayaa sheegay in la hagaajiyay nidaamka xogta shaybaadhka, oo hadda lagu maamulo hab computerized ah iyadoo la adeegsanayo nidaamka Health Information System. Sidoo kale, cisbitaalka waxa laga sameeyay koox gurmad degdeg ah (Emergency Response Team) oo si dhakhso ah uga jawaabta xaaladaha shilalka iyo cudurrada degdegga ah.


 

Agaasimuhu wuxuu sidoo kale xusay in cisbitaalka Berbera uu gargaarka caafimaadka gaadhsiiyo deegaannada fog fog ee gobolka Saaxil, isagoo sheegay in kooxo caafimaad loo diray tuulooyin ay ka mid yihiin Biyoolay iyo Beeyo-dhaadheer si loo daweeyo xaalado shuban oo halkaas ka dillaacay.


 

Waxaa kale oo uu sheegay in cisbitaalku uu leeyahay warshad soo saarta Oxygen, taas oo daboolaysa baahida cisbitaalka iyo gobolka, isla markaana Oxygen loo gaadhsiiyo deegaanno kale sida Ceerigaabo, Ceel Afweyn, Garadag iyo Caynaba.


 

Dhanka kale, Agaasimuhu wuxuu uga mahadceliyay bulshada reer Berbera sida ay uga qayb qaateen ololihii dhiig shubista qaranka, isagoo sheegay in cisbitaalka lagu kaydiyay dhiig badan oo loo adeegsado badbaadinta bukaanada xaaladaha degdegga ah.


 

Markii wax laga weydiiyay adeegyada cisbitaalka, Agaasimuhu wuxuu sheegay in Cisbitaalka Guud ee Berbera uu shaqeeyo 24 saacadood, isla markaana bukaanku mar kasta heli karaan adeeg caafimaad, habeen iyo maalinba.


 

Ugu dambayn, Agaasimuhu wuxuu sheegay in qorshayaasha mustaqbalka ee cisbitaalka ay ka mid yihiin kor u qaadista adeegyada caafimaad iyo in cisbitaalku helo qalabka ST-Scan, kaas oo dabooli doona baahiyo badan oo dhinaca baadhista caafimaadka ah. Wuxuu xusay in hadafka ugu weyn uu yahay horumarinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada, iyadoo la fulinayo siyaasadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

     
Loading...