HADHWANAAGNEWS

Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir ayaa agab caafimaad gaadhsiiyay dadka ay abaartu saameysay ee ku dhaqan deegaannada Libaax-qawdhame, Higlada iyo Ina Igarre.
Xildhibaanka ayaa sheegay in agabkan caafimaad loogu talagalay taageeridda dadka nugul ee ay abaartu saamaysay, si loo yareeyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha xaaladaha abaarta.
Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir ayaa dadka xaaladooda caafimaad aad u liidato u soo diray magaalada Hargeysa, si ay halkaas uga helaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Wuxuu intaas ku daray in ay muhiim tahay in bulshada la gaadhsiiyo gargaar caafimaad iyo taageero joogto ah, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xaaladaha abaarta.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |