DEG DEG: Xildhibaan Rabiile Oo Raaligelin Bixiyey Kadib Xadhig – "Waan Ka Xumahay Hadalkii 18 May"

Thursday April 23, 2026 - 16:40:43
HADHWANAAGNEWS
Markii la sii daayay, ayuu si cad uga raaligeliyay shacabka Somaliland



Xildhibaan Rabiile, oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee degmada Boorama, ayaa maanta dib u helay xorriyaddiisa kadib markii uu muddo kooban ku xidhnaa xabsiga, kaddib hadal uu si khaldan uga bixiyay xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May.


 

Xildhibaanka ayaa la sheegay in hadalkiisii hore uu sababay muran iyo fasiraad kala duwan oo bulshada dhexdeeda ka dhalatay, taas oo keentay in la xidho si baadhitaan loogu sameeyo.


 

Markii la sii daayay, ayuu si cad uga raaligeliyay shacabka Somaliland hadalkii uu hore u jeediyay, isaga oo qirtay in fariintiisa si khaldan loo turjumay.


 

"Hadalkii aan warbaahinta mariyey ee la xidhiidhey xuska maalinta Qarannimada JSL ee 18-ka May, oo si khaldan loo turjumey, waxaan ka raaligelinayaa bulshada Somaliland ee fariintaasi gaadhey. Ilaalinta amniga iyo nabadgelyaduna waa inoo wada muhiim,” ayuu yidhi Xildhibaan Rabiile.


 

Dhacdadan ayaa muujinaysa xasaasiyadda ay leedahay hadallada la xidhiidha maalinta qaranimada, iyadoo sidoo kale iftiiminaysa muhiimadda ay leedahay in si taxaddar leh loo gudbiyo fariimaha bulshada.

     
Loading...