"700 oo kun oo Dollar ayay ina soo gaadhsiisay Soomaaliya,"Guddida abaaraha JSL.

Tuesday August 26, 2025 - 14:55:28
hadhwanaagnews
Waxa kale oo ay guddidu duco iyo bogaadin u direen shacabka


Guddida Gurmadka Abaaraha Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay soo gaadhay deeq lacageed oo dhan 700,000 (Toddoba Boqol oo Kun) oo Dollar ah, taas oo ka timid dawladda Soomaaliya, si ay qayb uga noqoto gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku dhufteen Somaliland.

Masuuliyiinta guddidu waxay sheegeen in dhaqankaas is-gargaarka ah uu yahay mid ay Soomaalidu hore ugu wada noolaan jireen, isla markaana marka dhibaato dhacdo la isugu gurmado.

Waxay uga mahadnaqeen dawladda Soomaaliya deeqdan, iyagoo xusay in ay tahay tallaabo muujinaysa walaaltinimo, garasho iyo damqasho ay muujisay dawladda aynu jaarka nahay.

Waxa kale oo ay guddidu duco iyo bogaadin u direen shacabka iyo dawladda Soomaaliya, iyagoo Alle ka baryay inuu xasanaadka miisaankiisa ugu daro, khayrna kaga beddelo halka ay ka bixiyeen.

.Waxaaney yidhaahdeen."700 oo kun oo Dollar ayay ina soo gaadhsiisay Soomaaliya, waana wax aynu dhaqan lahaan jirnay had iyo jeer, marka abaaruhu meel ka dhacaan inaynu isu gurmano, waanu uga mahadnaqayna, waa ugu duceynaynaa, ILLAAHEY haka aqbalo.

Garashada ay garteen bixinta lacagtan bixinteeda, waxaanu leenahay ILLAAHEY miisaanka xasanaadka haydiinku daro,n halkaad ka soo saarteena wax khayr qaba ALLE haydiinku beddelo, Miisaanka xasanaadkana Alle haydiin saaro,”
     
Loading...