Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalol), ayaa maanta safar shaqo ku tagey magaalada Gabiley.

Sunday August 24, 2025 - 12:29:35
hadhwanaagnews
Labada masuul ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray,

Markuu magaalada soo gaadhay, Wasiirka waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka, halkaasna waxa ku qaabilay xafiiskiisa Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Mudane Maxamed Cabdillahi Jaamac (Bookh).

Labada masuul ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray, xoojinta amniga guud ee gobolka, dardargelinta adeegyada maamulka iyo wada shaqeynta hay’addaha amniga

Safarkan Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Amnigu wuxuu qayb ka yahay kulamo isdaba joog ah oo lagu qiimeynayo xaaladda amniga iyo adeegyada maamulka ee gobollada dalka, iyadoo looga gol leeyahay in bulshada si dhow loogu adeego.

Wasiir Magaalol ayaa shacabka Gabiley ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay ka qayb qaataan ilaalinta nabadgelyada iyo horumarka gobolka.
     
Loading...