Ganacsatada Gobolka Sanaag, ayaa si wayn u soo dhaweeyay shirka nabadaynta ah ee ka furmay Ceerigaabo iyo gogosha nabadda ee Madaxweynaha Somaliland uu dhigay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Ganacsade Maxamed Jaamac Cali Bilaal oo ka mid ah Ganacsatada waawayn ee gobolka Sanaag,ayaa ugu horrayn u mahad naqay Madaxweynaha Somaliland ee dhigay gogosha nabadda,waxaanu bogaadiyay madaxdhaqameedka ka qayb qaatay hirgelinta gogosha nabadda iyo xubnaha weftiga Xukuumadda iyo weftiga ka yimi Sanaag bari ee ka qayb gelaya shirka.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay mar walba soo dhawaynayaan nabadda cid kasta oo ka shaqaynaysana ay gacan ka siinayaan ka ganacsato ahaan.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu Khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan. Ugu horrayn Ganacsade Maxamed Jaamac Cali Bilaal oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay doorka ganabcsatadu ku leedahay nabadaynta gobolk Sanaag, ayaa ku jawaabay. "Ganacsatadu mar kasta waxay u taagan tahay nabaddaynta bulshada gogosha nabadda ee Madaxweynuhu oo dhigay waan uga madad naqaynaa kuna bogaadinaynaa marka labaad ergada noo timi hadday xukuumadda tahay iyo madaxddhaqameedka ba waan ku hambalyaynayaa,weftiga ballaandhan ee ergada ah ee bariga sanaag ka yimi ee gogosha nabadda ka soo qayb galayna waan hambalyaynayaa waanan soo dhawaynayaan markastana waxaan diyaar u nahay ganacsato ahaan in aan doorkayaga ka qaadano nabadaynta iyo walaalaynta dadkayaga reer Sanaag dhammaantood.”
Ganacsade Bilaal oo ka hadlayay isu socodka Ganacsiga gobolka Sanaag iyo gobolka Bari ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa yidhi. "Sagaan ganacsigeedu muu kala go’in oo wadada Ceerigaabo (Sanaag) iyo Boosaaso(Puntland Soomaaliya) may xidhmin oo isu socodku caadi ayuu noo ahaa oo gaadiidka basaska ee Boosaaso u socda halkan(Ceerigaabo) ayay soo maraan gaadiidka wuu u kala gudbaa oo wadadani sida togdheer iyo Sool uma xidhmin,laakiin hadana kollay ganacsigu nabadda ayuu wax ku yahay oo laan gadhe ayuu ahaa laakiin ganacsigu xad malaha, imikana yididiilo wayn ayaan qabnaa gobosha nabadda na dhankayaga inta nagaga aaddan ka ganacsato ahaan waanu ka qayb qaadanaynaa. Bulshada gobolka Sanaagna waxaan ugu baaqayaa in ay nabadgelyada ka wada shaqeeyaan oo wada qaataan.” ayuu yidhi Ganacsade Maxamed Jaamac Cali Bilaal oo u waramayay wargeyska Dawan