Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska EU-CAP ee Somaliland, Ireneusz Pacocha, iyo Mahad Axmed oo ka tirsan isla xafiiska EU-CAP.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adda EU-CAP, gaar ahaan dhinacyada tababarada la siinayo ciidanka booliska Somaliland.
Sidoo kale, waxay ka wadahadleen qorshe dib-u-habeyn loogu samaynayo saldhigga (Jetty Station) Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee magaalada Berbera.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinaca amniga iyo taageerada ay hay’adaha caalamiga ahi siinayaan hay’adaha amniga ee Somaliland.