"Xukuumaddu Si Buuxda Ayay u Garab Taagan Tahay Horumarinta Tacliinta" Wasiirka Arrimaha Gudaha

Tuesday September 02, 2025 - 14:48:57
hadhwanaagnews
Dhanka kale, Wasiir Cabdalle Sandheera wuxuu ardayda ku boorriyay


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka ay waxbarashadu ku leedahay horumarka dalka iyo muhiimada dhalinyaradu ku leeyihiin mustaqbalka Somaliland.

Wasiirku wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasibad qalin-jabin ah oo ay ku qabatay Jaamacadda Golis magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ardayda ku dhiirrigeliyay inay si dhab ah uga fikiraan mustaqbalkooda, islamarkaana ay doorkooda ka qaataan dhismaha qaranka.

"Xukuumadda Somaliland aad bay u taageersan tahay horumarinta tacliinta, sababta oo ah horumarka iyo barwaaqada dalka waxa sal u ah nabadgelyada aynu maanta ku faanayno, iyo karaamada ay umaddu leedahay,” ayuu yidhi wasiirku.

Isagoo la hadlayay ardayda qalin-jabineysa, Wasiirku wuxuu si gaar ah u xusay in da’yartu ay yihiin tiir-dhexaadka mustaqbalka.

"Waddankeenu maanta boqolkiiba 75% dadkiisu waa dhalinyaro. Dhalinyaradaasina waa madaxdii berri, waana idinka oo kale. Sidaas darteed, qof walba waa inuu ka fikiraa halka uu maanta joogo iyo meesha uu rabo inuu gaadho mustaqbalka."

Dhanka kale, Wasiir Cabdalle Sandheera wuxuu ardayda ku boorriyay in aanay aqoonta kaliya u adeegsan ujeeddo shaqo raadis ah, balse ay ka faa’iidaystaan si ay u noqdaan kuwo leh waayo-aragnimo, maskax furan iyo wacyi bulsho

"Dhalinyarada maanta qalin-jabinaysa waxaan kula talinayaa, ha is odhanina shaqo deg-deg ah ayaad u baahan tihiin. Aqoonta dhab ahaantii waa fure aad ku furtaan maskax ballaadhan, waayo-aragnimo aad nolosha ka heshaan, iyo wacyi aad bulshada ugu adeegtaan.

Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku adkeeyay in dawladdu diyaar u tahay inay taageerto dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, una aragto tacliinta mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee qarannimada iyo horumarka Somaliland.
     
Loading...