Wasaaradda Caddaaladda oo qorsheynaysa barnaamij kale oo muhiim u ah maxaabiista xabsiyada ku jira.

Thursday March 06, 2025 - 07:05:21
hadhwanaagnews
"maadaama naxaabiistu ka mid tahay bulshada, waxa waajib naga saaran

May be an image of 6 people


Wasiirka wasaaradda Caddaaladda JSL Yoonis Axmed Yoonis oo ka hadlay munaasibad lagu daahfuray siyaasadda manhajka waxbarashada ee maxaabiista, oo wasaaradiisu soo qabanqaabisay, ayaa ku tilmaamay barnaamijkan oo maanta madaxweynuhu xadhigga ka jaray, mid ka mid ahaa, qorsheyaasha boqolka maalmood ee xukuumadda madaxweyne Cirro.

Sidoo kale wasiir Yoonis waxa uu hoosta ka xariiqay inay Wasaaraddiisu ay ka go'an tahay ilaalinta iyo daryeella maxaabiista, isagoo sheegay in isla marnaamijkan mid la mid ah ay dhawaan daahfuri doonaan, kaas oo sida uu sheegay kor loogu qaadayo caafimaadka maxaabiista. Isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi,

"maadaama naxaabiistu ka mid tahay bulshada, waxa waajib naga saaran yahay daryeelkooda, hadday tahay inay waxbarasho helaan, iyo hadday tahay inay caafimaad helaan. Barnaamijkan aanu maanta halkan ku daahfurayno, waxa uu kamid yahay qorsheyaashii xisbiga WADDANI iyo ballanqaadyadii boqolka maalmood ee madaxweyne Cirro. Haddii Alle yidhaa, waxa aanu wadnaa oo aanu dhawaan daahfuri doonaa, barnaamijka siyaasadda caafimaadka ee maxaabiista. Runtii waxan uga mahadnaqayaa madaxweynaha oo shaqadan nagu hoggaaminaya, iyo sidoo kale wasaaradaha waxbarashada iyo diinta iyo awqaafta oo manhajkan waxbarashada maxaabiista qeyb weyn ku leh."

     
Loading...