Balan-qaadkii Rumoobay ee Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha: Dhismaha Garoonka Allemse ee Burco

Saturday August 23, 2025 - 20:12:04
hadhwanaagnews
Wasiirku waxa uu hore u sheegay in dhismihii hore ee garoonka

Xukuumadda Wada-jir iyo Waxqabad ayaa mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhalinyarada Somaliland. Ballanqaadkii uu hore u sameeyay Wasiirka Ciyaaraha Mudane Axmed Yaasiin ee ku saabsanaa dhismaha iyo casriyeynta garoonka kubadda cagta ee Allemse Stadium ee magaalada Burco, ayaa maanta isu beddelay xaqiiqo la taaban karo.

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, Axmed Yaasiin, waxa uu iftiimiyay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay xoogga sarayso dhiirigelinta iyo horumarinta ciyaaraha dalka, gaar ahaan dhismaha iyo casriyeynta garoomada kubadda cagta. Hadalkiisii dhawaan ee ku saabsanaa garoonka Alamsay Stadium ee Burco ayaa muujinaya ballanqaad dhab ah oo horseeday isbeddel weyn oo la taaban karo.

Wasiirku waxa uu hore u sheegay in dhismihii hore ee garoonka magaalada Burco aanu dabooli karin baahida weyn ee bulshada magaalada, isagoo ballan qaaday in garoon casri ah laga dhisi doono goobtaas, waxaanu yidhi "Garoonkan Alamsay Stadium waa garoon weyn, haddana intaas dhisani kuma filna shacabka reer Burco, markaa waxaan rejaynayaa in xukuumadda waxqabad iyo wadajir ay dhisi doonto garoonkan oo wax weyni iska bedeli doono marka la dhiso garoonkan.”

Maanta, ballanqaadkaasi wuu rumoobay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garoonka, taas oo noqotay mid muujinaysa fulinta ballanqaadkii wasiirka, arrintaas oo ah mid si weyn uga tarjumaysa fahamka iyo doorka muhiimka ah ee ciyaaraha u leeyihiin dhalinyarada iyo bulshada guud ahaan.

Wasiirka oo la hadlayay shacabka magaalada Burco iyo bahda ciyaaraha ee gobolka, intii lagu gudo jiray munaasibaddii dhagax dhigga dhismaha iyo casriyaynta goroonka, waxa uu yidhi "Laba todobaad ka hor waxaan dhex fadhiyay dhalinyaradan halkan joogta ‘garoonka kubbada cagta ee Alamsay Stadium’ ballanqaadkii aan xiligaas sameeyay waxaa ka mid ah in aanu dhisi doono garoonka kubadda cagta ee magaalada Burco. Maantana waxaa inala jooga madaxweynaha qaranka oo inoo dhagax dhigaya garoonka kubadda cagta ee Burco.”

Hadalkani waxa uu muujinayaa sida ballanqaadkii uu sameeyay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland uu u hirgalay, isla markaana uu madaxweynaha qaranka Somaliland isu dhex-taagan dhismaha iyo casriyaynta garoonka.

Mashruucani maaha kaliya mid la xidhiidha dhismaha garoon, balse waa calaamad muujinaysa sida ay xukuumaddu u danaynayso horumarinta iyo dhiirigelinta dhalinyarada, qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo kor u qaadista fursadaha isdhexgalka. Wasiir Axmed Yaasiin wuxuu sheegay in garoomada gobollada kale ee Somaliland na la hagaajin doono, taasoo ah ballanqaad qaran oo ballaadhan, kana dhexeeya dhammaan dhalinyarada gobollada Somaliland.

Wasiirku waxa uu dhalinyarada reer Somaliland ugu bushaareeyay in dib u dhis iyo casriyayn ballaadhan lagu samayn doono dhammaan garoomadda kubadda cagta ee gobollada dalka waxaanu yidhi "Dhalinyarada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu bushaaraynayaa in gobollada dhammaantood garoomadda kubadda cagta la hagaajin doono oo la dhisi doono, isla markaana casriyayn ballaadhan lagu samayn doono.”
Garoonka Allemse Stadium wuxuu ka mid yahay mashaariicda istiraatiijiga ah ee dowladda, taasoo ujeedadeedu tahay in la abuuro fursado ciyaareed, isdhexgal bulsho, iyo kobcin dhaqan-dhaqaale.

 Xukuumadda Wada-jir iyo Waxqabad waxay fahamsan tahay in horumarinta kaabayaasha ciyaaraha ay kaalin weyn ka qaadan karto dhisidda dhalinyaro firfircoon oo caafimaad qabta, kana qaybqaata horumarka dalka.
Balan-qaadka Wasiir Axmed Yaasiin ayaa ah tallaabo muujinaysa sida dowladda ay uga go’an tahay in mashruucan muhiimka ah la soo gabagabeeyo, iyadoo loo marayo qorshe cad oo dhaqaale iyo maamul leh. Taasi waxay sii kordhinaysaa kalsoonida bulshada Togdheer iyo guud ahaan reer Somaliland, iyadoo muujinaysa in xukuumadda JSL ay ku hawlantahay horumar dhab ah, isla markaana lagu gaadhi karo wadajir iyo waxqabad dhab ah.

Waxaa hubaal ah in dhammeystirka Garoonka Allemse Stadium uu noqon doono guul muhiim ah oo dhiiri gelinaysa ciyaaraha iyo dhalinyarada, kana turjumaysa himilooyinka cusub ee Xukuumadda Wada-jir iyo Waxqabad.
     
Loading...