Agaasimaha Waaxda, Xasan Maxamed Cabdillaahi, wuxuu sheegay
Barnaamijka todobaadlaha ah ee Dawladaha Hoose ee Wargeyska Dawan, waxaanu toddobaadkan diiradda ku saaraynaa shaqada ay qabato Waaxda Nabadgelyadda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, iyada oo si gaar ah aanu u waraysanay Agaasimaha Waaxda, Xasan Maxamed Cabdillaahi, oo si qoto dheer u faahfaahiyay doorka waaxdiisu ku leedahay amniga caasimadda iyo xidhiidhka ay la leedahay laamaha amniga qaranka.
Agaasimaha ayaa diirada saaray sida ay waaxda nabadgelyadda dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa, ay kaalin muuqata uga qaadato amniga caasimadda iyo isku xidhka bulshada rayidka iyo laamaha Qaranka u qaabilsan ilaalinta iyo sugida amniga dalka.
Waaxda nabadgelyaddu waa laf-dhabarta dawladaha hoose ee Hargeysa marka la eego dhanka sugidda amniga.
Agaasimaha Waaxda, Xasan Maxamed Cabdillaahi, wuxuu sheegay in waaxdoodu door weyn ka ciyaarto isu-xidhka dawladaha hoose iyo laamaha amniga sida Booliiska, sirdoonka, laanta socdaalka, iyo ciidanka Qaranka, wuxuu intaas ku daray inay si dhow ula shaqeeyaan laamahaasi iyaga oo kulamo joogto ah la yeesha kuwaas oo diiradda lagu saaro xaaladda amni ee degmo kasta.
Waxaanu yidhi."Hay’adaha Qaranka u qaabilsan ammaanka aad iyo aad baanu isugu xidhan nahay haddii ay noqoto Booliska, haddii ay noqoto Sirdoonka, haddii ay noqoto Laanta Socdaalka, haddii ay noqoto ciidanka Badda iyo Milatariga, waayo Hargaysa marxalada fiditaan bay ku jirtaa, waxaanay ku jirtaa magaalooyinka ugu fiditaanka badan Geeska Afrika, mar kasta oo magaal fido waxaa loo baahan yahay in ammaankeeda gacanta lagu dhigo”.
Waxaanu intaas ku daray in ay si toosa ugu xidhan yihiin ciidanka booliska qaybta galbeedka iyo bariga caasimada.
Waxaanu yidhi. "Annagu ka waaxda nabadgelyo ahaan waxaanu toos u xidhan nahay oo aanu la shaqaynaa Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, qaybta Galbeedka Hargaysa iyo qaybta Bariga Hargaysa ayaanu ku xidhan nahay, kuwaasi oo aanu shir joogto ah yeelano oo aanu mid bil ah yeelano, mid todobaad ah yeelano, shirkaasi degmo kasta waxaa ka soo qayb galaya Taliye Saldhigyadeeda, taliyaha Laanta Socdaalka u qaabilsan, waxa ka soo qayb gala taliyaha Xuuraanka, taliyaha Sirdoonka, Culimada, markaa dadkaasi oo ah dhamaantood daneeyayaashi nabadda ee degmadaasi”.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in booliska iyo bulshada rayidku si dhaw uwada shaqeeyaan, waxaanu farta ku fiiqey in hawlaha ugu mudan ee waaxda nabadgelyaddu hormuudka u tahay ay yihiin (Community Police), waxaanu hoosta ka xariiqey inuu yahay barnaamij bulshada rayidka ah lagu dhiirrigelinayo inay la shaqeeyaan booliiska, iyagoo qayb ka noqonaya ilaalinta amniga xaafadahooda.
"Degmada ugu yar waxa ka hawlgala in ka badan 60 xubnood oo Community Police ah oo aan booliis rasmi ah ahayn, balse si tabaruc ah u la shaqeeya waaxyaha nabadgelyada degmada,” Ayuu yidhi Agaasimuhu.
Community Police-ku waxay si toos ah ula xidhiidhaan taliyeyaasha Saldhigyada si ay u gaadhsiiyaan warbixinada amni-darro ee ay bulshada dhexdeeda ka arkaan.
Waxa uu intaas raaciyay inay hoos yimaadaan guddiyada xaafadaha, culimada, iyo guddi-hoosaadyada wanaag farista iyo xumaan reebista.
Agaasimaha waaxda nabadgelyadda dawladda hoose ee Hargaysa Mudane Xasan Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay in ay si joogto ah isugu yimaaddaan shirar amni oo heer degmo ah oo ay ka qayb galaan:
• Taliyeyaasha saldhigyada booliiska
• Taliyeyaasha Sirdoonka
• Taliyeyaasha Xuuraanka
• Laanta Socdaalka
• Culimada iyo daneeyayaasha kale ee degmada
Warbixinta ka soo baxda shirarkaasi waxa lagu gudbiyaa maamulka sare ee dawladda hoose Maayirka, Maayir-ku-xigeenka iyo Xoghayaha kuwaas oo iyaguna si rasmi ah ugu gudbiya wasaaradda arrimaha Gudaha, dhinaca kalena, ciidanka booliiska ayaa si toos ah ugu gudbiya Taliyaha Ciidanka Qaranka.
Agaasimaha waaxda nabadgelyadda dawladda hoose ayaa sheegay in ay ka Dawladaha hoose ahaan bilayaan dhawaan mashruuc ballaadhan oo lagu xoojinayo ammaanka magaalada, kaas oo ay ka mid yihiin:
• Kamaradaha Ammaanka (Security Cameras)
• Laydhadhka wadooyinka ee hagaya dadka iyo gaadiidka
Agaasime Xasan, waxa uu sheegay in mashruucan oo uu hormuud ka yahay guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, isla markaana la filayo in la hirgaliyo bilaha soo socda, si wax looga qabto dhacdooyinka naadirka ah ee amniga lidka ku ah.
Agaasimaha Waaxda, Xasan Maxamed Cabdillaahi, ayaa sheegay in markii laga soo noqday dagaaladii sokeeye, ay Hargeysa lahayd saddex saldhig oo kaliya, balse maanta, tiradaasi way korodhay, waxaanu si gaar ah uga xusay xusi
• Saldhigyada xaafadaha Cawa-dhalad, Naasa-hablood, Hodan Hiilis, Calaamadaha
• Rugaha cusub ee xaafadaha Qalax, Maxamed Cali, Iftin, Macalin Haaruun, Gacmadheere (ku jira qorshaha)
• Kaantaroollada cusub: Burcada-yar, Abaarso, Toon, Saba-wanaag
Agaasimaha ayaa sheegay in Mashruucyadan ay iyagu ka wax ahaan qorsheheeda leehiyiin balse laga maalgeliyay miisaaniyadda Dawladda Hoose, iyaga oo lagu beddelay barihii hore ee cidhiidhiga ku ahaa magaalada, taasina ay tahay markii u horaysay ee dawladda hoose miisaaniyadda ugu darto ilaalinta amniga miisaaniyad intaas le’eg.
Dhinaca kale Agaasimaha waaxda nabadgelyadda dawladda hoose ee Hargaysa Agaasimaha Waaxda, Xasan Maxamed Cabdillaahi, ayaa ku dheeraaday sida loo xoojiyay badqabka muwaadiniinta iyo ilaalinta amniga in Adeegga dab-demiska oo aad muhiim ugu ah magaalooyinka waaweyn, ayaa carabka ku adkeeyay in hadda si gaara loo xoojinayo, waxaanu sheegay in lagu bilaabay degmada Maxamed Mooge, halka Gacan Libaax qorshihiisa la dejiyay, waxaanu balanqaaday in ka waax ahaan ay diyaar u yihiin fulinta adeegyadda muhiimka ah.
Agaasimaha Waaxda, Xasan Maxamed Cabdillaahi, waxa uu is dul taagey sida waaxda nabadgelyadda dawladda hoose ee Hargeysa, ay kaalinta muuqaata uga qaadato xasilinta amniga caasimada Hargeysa, iyada oo aan la eegayn kaliya Booliiska iyo hay’adaha kale ee amniga, haddana waxaa muuqata in nidaamka dawladaha hoose uu door muuqda ka ciyaaro qorshaynta, fulinta iyo ilaalinta xasilloonida magaalada.
Barnaamijka booliska bulshada rayidka (Community Police), saldhigyada cusub, rugaha booliiska, iyo kaantaroollada la sameeyay dhammaantood waxay muujinayaan waxtarka weyn ee dowladda hoose ee caasimada Hargeysa, gaar ahaana waaxda nabadgelyadda dawladda hoose ee Hargaysa.