HADHWANAAGNEWS

Badhsaab ku xigeenka Gobolka Gabiley ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey guddoomiyihii hore ee Waaxda Waxbarashada gobolka iyo guddoomiyaha cusub, Axmed Daahir Cismaan.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil ka socday Wasaaradda Waxbarashada, iyo marti sharaf kale.
Badhsaab ku xigeenka ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore dadaalkii iyo shaqadii uu muddada xilka hayey ka qabtay horumarinta waxbarashada gobolka. Sidoo kale, wuxuu hambalyo u diray guddoomiyaha cusub, isaga oo ku dhiirrigeliyey in uu sii ambaqaado horumarka waxbarashada, kana shaqeeyo tayaynta iyo kobcinta adeegyada waxbarasho ee gobolka Gabiley.