hadhwanaagnews
Ceerigaabo – Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Gobolka Sanaag, Axmed Maxamuud Ibraahim Kaar, ayaa kulan shaqo kula yeeshay xarunta wasaaradda maamulayaasha dugsiyada sare ee degmada Ceerigaabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta horumarinta waxbarashada, tayeynta maamulka dugsiyada iyo xoojinta tayada adeegyada waxbarasho ee degmada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha ayaa maamulayaasha dugsiyada faray inay si buuxda u dhaqan geliyaan wareegtadii ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, taas oo mamnuucaysa in dugsiyada sare ay qaataan ama fasalka Form One fariisiyaan ardayda dhamaysatay dugsiyada hoose dhexe ilaa laga soo saaro natiijada rasmiga ah ee imtixaanka shahaadiga ah.
Waxa uu sidoo kale ku amray maamulayaasha in wareegtada lagu dhejiyo goobaha dugsiyada, si ay uga warqabaan ardayda, waalidiinta iyo bulshada, isla markaana loo hubiyo in si siman loo dhaqan geliyo awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada.