HADHWANAAGNEWS

Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug (Boosh-Cade), ayaa kulan ballaadhan la yeeshay maamulayaasha dugsiyada hoose-dhexe ee ay maamusho Dawladda Hoose.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray tayeynta waxbarashada, dardargelinta hannaanka maamulka dugsiyada, iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa dugsiyada iyo Dawladda Hoose. Xoghayaha Fulinta ayaa kulanka ka dhegaystay warbixino la xidhiidha xaaladda guud ee waxbarashada, caqabadaha jira, baahiyaha dugsiyada, iyo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarin karo waxbarashada ardayda.
Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug ayaa ku bogaadiyey maamulayaasha dugsiyada kaalinta ay ka qaadanayaan kobcinta aqoonta ardayda, isaga oo adkeeyey in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay ka go’an tahay taageeridda iyo horumarinta dugsiyada ay hoos yimaaddaan.
Sidoo kale, Xoghayaha Fulinta ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka iyo shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada Degmada Hargeysa, kulan ay hormuud ka ahayd Marwo Aamina Casayr, Guddoomiyaha Xafiiska Waxbarashada Degmada. Kulankan ayaa lagu falanqeeyey xaaladda waxbarashada degmada, isku-duwidda hawlaha waxbarasho, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada waxbarasho ee ay bixiso Dawladda Hoose.
Xoghayaha Fulintu waxa uu si gaar ah u ammaanay doorka Xafiiska Waxbarashada Degmada Hargeysa, isaga oo ku dhiirrigeliyey maamulka iyo shaqaaluhuba in ay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, hufnaanta, iyo masuuliyadda shaqo.