DEG DEG Roobabkii Maroodi-jeex oo Sababay Khasaare Nafeed: Dooxa Dararweyne oo Qaatay Muwaadin

Wednesday March 25, 2026 - 00:27:12
hadhwanaagnews
Dhacdadan murugada leh ayaa mar kale muujinaysa khata

 

Khasaare naf oo xanuun leh ayaa ka dhashay roobabkii maanta ka da’ay gobolka Maroodi-jeex, kadib markii uu daad xooggan qaaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Aw Aadan (Xaaji Jeeble).

 

Marxuumka ayaa waxaa qaaday Dooxa Dararweyne ee deegaan beereedka, iyadoo raacdo dheer kadib maydkiisa laga helay deegaanka Xumbo-weyne.

 

Dhacdadan murugada leh ayaa mar kale muujinaysa khatarta ka dhalan karta dooxyada iyo meelaha biyo-mareennada ah xilliyada roobka, gaar ahaan marka daadadku xoog yeeshaan.

 

Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa marar badan shacabka iyo wadayaasha gaadiidka uga digay inay ka fogaadaan meelaha halista ah xilliga roobabka, si looga hortago khasaare naf iyo maalba leh.

 

Bulshada ayaa lagu booriyay inay qaataan taxaddar dheeraad ah, isla markaana ka fogaadaan dooxyada iyo meelaha ay biyuhu si xooggan u marayaan, si loo badbaadiyo nafah

     
Loading...