HADHWANAAGNEWS

Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Difaaca ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu guddoominayo Guddoomiyaha Guddida Mudane Aadan Cismaan Xarbi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay magaalada Berbera.
Intii ay ku sugnaayeen Berbera, Guddidu waxay kulan la yeesheen maamulka Dawladda Hoose ee degmada Berbera, oo uu hoggaaminayay Duqa Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin. Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera, xildhibaanada Golaha Deegaanka, Agaasimaha Waaxda Diiwaangelinta, Agaasimaha Waaxda Maamulka, iyo Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee nabadgelyada degmada, iyo caqabadaha ka jira dhanka fulinta xeerarka maamulka.
Sidoo kale, Dawladda Hoose ee Berbera ayaa Guddida u soo bandhigtay caqabadaha haysta dhinaca diiwaangelinta iyo Xeerka Jinsiyadda, kuwaas oo wax-ka-beddelkooda ay Guddidu hadda gacanta ku hayso.