Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland oo Kulan La Yeeshay Madaxda Hay'adda FAO

Sunday August 17, 2025 - 13:38:48
hadhwaangnews
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iskaashiga labada dhinac i,,,


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Abubakar Cabdiraxman Good, ayaa kulan midho-dhal ah la yeeshay madaxda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa waxaa ka qaybgalay Dr. Abdikariim Osman Mogeh, Madaxa Xafiiska FAO ee Somaliland, Mr. Etienne Peterschmitt (FAO Representative), Mr. Kunow – Madaxa Mashaariicda Xoolaha, iyo Mr. Abdi Adan, oo ah u qaabilsanaha mashaariicda FAO ee Somaliland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha biyo gelinta, dayactirka ceelasha iyo dhaamamka, iyo kor u qaadista adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada reer miyiga, beeralayda, iyo xoolo-dhaqatada.

Wasiir Abubakar Good ayaa xusay in iskaashigan uu yahay mid muhiim ah si loo hubiyo helitaanka biyo nadiif ah oo ku filan, taas oo door weyn ka qaadan doonta horumarinta nolosha dadka ku nool deegaannada miyiga iyo wax-ka-qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

Dhinaca kale waftiga FAO ayaa ballanqaaday in hay’addu sii xoojin doonto taageerada ay siiso Wasaaradda iyo shacabka Somaliland, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariic waxtar leh oo la jaanqaadaya baahiyaha dhabta ah ee ka jira dalka.
     
Loading...