Somaliland iyo Itoobiya oo Xoojinaya Iskaashigooda Ganacsi iyo Maalgashi

Saturday September 13, 2025 - 08:33:18
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa si toos ah ula hadlay mulkiilayaasha shirkadaha Avon Industries PLC,



Jamhuuriyadda Somaliland waxay si hagar la’aan ah uga shaqaynaysaa xoojinta maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah, si loo gaadho horumar dhaqaale oo waara. Kulankii dhawaan uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, la yeeshay ganacsatada waaweyn ee Itoobiyaanka ee magaalada Addis Ababa ayaa ka tarjumaya sida Somaliland uga go’an tahay in ay dhiirrigeliso fursadaha ganacsi iyo maalgashi, iyadoo abuureysa jawi ku habboon ganacsatada iyo maalgashadayaasha.

Wasiirka ayaa si toos ah ula hadlay mulkiilayaasha shirkadaha Avon Industries PLC, Anmol Paper Products Ethiopia PLC, iyo Maruti PLC, kuwaas oo muujiyey xiisaha ballaadhinta ganacsigooda ee gudaha Somaliland. Kulankan ayaa caddeeyey muhiimadda istiraatijiga ah ee dekedda Berbera, oo ah marin muhiim u ah isku xidhka suuqyada gobolka iyo caalamka, taasoo ka dhigaysa Somaliland albaab ganacsi oo furan oo u fududeynaya ganacsatada in ay suuqyada caalamiga ah ku xidhmaan.

Ganacsatada Itoobiyaanka ayaa wasiirka u sheegay in shirkadahooda ay qorsheynayaan maalgashi ballaadhan oo ay si rasmi ah uga sameeyaan Somalilan, iyagoo xusay in dekedda Berbera ay tahay albaabka ugu habboon ee ku xidhaya ganacsigooda suuqyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Dhanka kale, Wasiirka Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa uga mahadceliyey kalsoonida iyo xiisaha ay ganacsatada u muujiyeen Somaliland, isaga oo ku adkeystay in xukuumaddu diyaar u tahay inay fududeyso dhammaan habraacyada lagama maarmaanka ah si loo dhiirrigeliyo horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Kulankan muhiimka ah ayaa muujinaya sida Somaliland ay uga go’an tahay inay xoojiso iskaashiga ganacsi ee gobolka, iyadoo ka faa’iideysanaysa fursadaha maalgashi ee istiraatijiga ah sida dekedda Berbera, taasoo door weyn ka ciyaari doonta kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta xidhiidhka ganacsi ee caalamiga ah.

     
Loading...