Waraysigii uu Danjire Bashiir Good siiyay warbaahinta caalamiga ah eeNewsweekwaxa uu dib u iftiimiyay siyaasad bisil, istiraatijiyad fog iyo fursado aan la iska indho-tiri karin oo ay Somaliland u soo bandhigayso caalamka, gaar ahaan Maraykanka. Wuxuu xambaarsanaa farriin cad: oo odhanaysa "Somaliland waxay diyaar u tahay inay noqoto lammaane istiraatiji ah oo lagu kalsoonaan karo.”
Soo jeedinta ah in Maraykanku saldhig millatari ka samaysto dhulka Somaliland waa mid si weyn u qeexaysa labada arrimood ee muhiimka ah, kuwaas oo kala ah: Goobta Juquraafiyeed ee Istiraatijiga ah ee ay Somaliland kaga taallo Geeska Afrika, oo ah meel u dhow marin-biyoodka Bab el-Mandeb ee muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah iyo Xasiloonida Siyaasadeed iyo Nabadgelyo ay Somaliland ka dhaxashay doorashooyin xor ah, nidaam dimuqraadi ah, iyo bulsho taageero u ah hay’adaha qaranka.
Danjire Bashiir Good wuxuu si cad u muujiyay in dunidu ay si tartiib tartiib ah u fahmayso xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Geeska Afrika: iyada oo caalamku xaqiiqsaday fashalka siyaasadii hore ee ahayd Soomaali mid ah”, halka Somaliland ay si deggan ugu tallaabsatay dhisidda dawladnimo sharciyad iyo kalsooni leh. Saldhig millatari oo Maraykan ahi ma aha oo keliya dan siyaasadeed oo Somaliland leedahay balse waa fursad ay labada dalba ku xoojin karaan iskaashi dhinacyo badan leh: difaac, sirdoon, badbaadinta marin-biyoodka, iyo la dagaallanka argagixisada.
Tallaabadaasi waxay noqon kartaa mid dhaqaajisa isbeddel cusub oo Maraykanku ku wajaho siyaasaddiisa ku aaddan Geeska Afrika, iyada oo Somaliland u noqon karta meel tijaabo iyo fursadba ah.
Sidoo kale, Danjiruhu wuxuu si cilmiyeysan u muujiyay in Somaliland ay tahay dal ay dawladaha waaweyn ee caalamka durba daneynayaan, sida ay muujinayaan joogitaanka diblomaasiyadeed ee dalal ay ka mid yihiin UK, Imaaraadka, Turkiga, Jabuuti, Itoobiya, iyo Denmark. Taasi waxay adkaynaysaa doodda Somaliland ee ku wajahan aqoonsi caalami ah.