Waddadan oo dhismaheedu uu dhammaaday dhawaan, waxaa fuliyay
Wasiirka Wasaaradda Dowladaha hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray waddada isku xidha Madaxtooyada iyo xarunta Gobolka Togdheer.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid si weyn loo agaasimay, waxaana wasiirka ku wehelinayay wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini'aadantinimada, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, iyo Guddoomiyaha gobolka Togdheer Mudane Maxamuud Saleebaan Cali Ramaax.
Waddadan oo dhismaheedu uu dhammaaday dhawaan, waxaa fuliyay maamulka gobolka Togdheer.
Dhismaha waddadan cusub ayaa ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka, iyadoo la filayo in ay si weyn uga qayb qaadato isku socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana kor u qaaddo adeegyada bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Dowladaha Hoose, Mudane Xasan Macalin, ayaa sheegay in waddadani tahay tallaabo muuqata oo lagu horumarinayo bilicda iyo isku xidhka madaxtooyada iyo gobolka, waxa uu bogaadiyay maamulka gobolka sida ay uga go’antahay horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, wasiirka Dib-u-dejinta, Mudane Saleebaan Ducaale, ayaa sheegay in horumar noocan oo kale ahi uu fududeeyo gaadhsiinta adeegyada muhiimka ah.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa isna dhankiisa sheegay in dhismaha waddadan ay ka mid tahay mashruucyo horumarineed oo dhawaan la hirgelin doono si loo hormariyo nolosha shacabka gobolka.