Wuxuu si gaar ah ugu bogaadiyey Madaxweynaha mashruuca cusub ...
Suldaan Maxamed Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha booqashooyinkiisa iyo mashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka hirgelisay gobolka.
Suldaanka oo ka hadlayay munaasabad lagu maamuusayay socdaalka Madaxweynaha, ayaa sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay uu Madaxweynuhu laba jeer booqday gobolka Awdal, taas oo muujinaysa sida uu ugu dhowyahay dadkiisa.
Wuxuu si gaar ah ugu bogaadiyey Madaxweynaha mashruuca cusub ee caafimaad ee lagu soo kordhiyay cisbitaalka gobolka qalabka CT Scan-ka oo uu tilmaamay inuu yahay adeeg nolol taabanaya oo dadka aad ugu baahnaayeen.
Suldaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in booqashooyinka Madaxweynaha ee gobolka ay sii socdaan, si kor loogu qaado xidhiidhka iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa dawladda iyo shacabka.
Waxaanu yidhi."Madaxweyne waa markii labaad oo aad nagu soo noqoto muddo 7 bilooda gudahooda, taasi waxay cadeynaysaa inaad tahay madaxweyne dadkiisa ku xidhan, la-dareena, markastana og, xaalada ay ku nool yihiin waan kaaga mahadnaqaya madaxweyne, waxaan rajeynaya in marar kalena aad nagu soo noqon doonto.
Waxaanu ka mahadnaqaya mashaariicda tirada badan ee sida gaarka ah u taabana nolosha bini’aadamka, hal qodob ayaan soo qaadanaya CT Scanka cisbitaalka loo balanqaaday dalalka reer galbeedka qofku wuxu suga muddo 5 ilaa 6 bilooda, madaxweyne waad ku mahadsan tahay qodobkaasi caafimaad ee nolosha taabanay iyo kuwii kale ee aad gobolka hirgeliseenba”