Gobolka Awdal oo Wax ka Badan Boqol Kun oo Neef Loo Fidiyay Daryeel iyo Adeeg Caafimaad

Monday September 08, 2025 - 11:03:41
hadhwanaagnews
Sidoo kale, waxa uu sheegay in 20-kii maalmood ee ugu dambeeyay



Isu-duwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Awdal, Cabdirashiid Rabiile Muuse, ayaa sheegay in sannadkan adeegyo caafimaad iyo daaweyn ballaadhan loo fidiyay xoolo aad u tiro badan oo ku nool afarta degmo ee gobolka Awdal ka kooban yahay.

Cabdirashiid Rabiile Muuse, Isu-duwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Gobolka Awdal ayaa xusay in shaqaalaha wasaaraddu saddexdii biloodba ay mar u baxaan safarro caafimaad oo ay ku tagaan degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya iyo Dila, hawlgalkaasi oo sannad walba lagu daaweeyo in ka badan 250,000 oo neef.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in 20-kii maalmood ee ugu dambeeyay oo kaliya, ay wasaaradda xannaanada xoolaha ee gobolka Awdal ay adeeg caafimaad u fidisay xoolo gaadhaya siddeetan kun (80,000) oo neef, kuwaas oo ku kala nool degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya iyo Dila. Sidoo kalena marka lagu daro degmada Saylac, oo Iyana laga fuliyay hawlgalkan caafimaad ay tirada guud ee xoolaha la daryeelay muddadaasi ay gaadhayaan ku dhowaad 100,000 oo neef.

Sidoo kale, Isu-duwuhu wuxuu si qoto dheer uga warbixiyay shaqooyinka muhiimka ah ee ay wasaaraddu ka waddo gobolka, gaar ahaan sida ay wasaaraddu ugu adeegtay bulshada iyo duunyada ku dhaqan gobolka xilliyadii adkaa ee abaaruhu ku habsadeen gobolka. Waxa uu sheegay in shaqaalaha wasaaraddu ay si joogto ah uga howlgalaan dhammaan afarta degmo ee gobolka, halkaas oo ay bulshada deegaanadaasi u fidiyaan adeeg caafimaad iyo wacyigelin joogto ah ee dhinaca xoolaha ah, waxaanu yidhi "Sanmadkan waxaa jiray abaaro daran. Maadaama xooluhu yihiin laf-dharta nolosha bulshada reer miyiga, wasaaraddu waxay fulisay qorshe degdeg ah oo ay kaga qayb qaadatay u gurmashada xoolaha, iyadoo muddo 20 cisho ah olole caafimaad iyo wacyigelin ka fulisay dhammaan degmooyinka gobolka iyada oo wasaaraddu ay kaashanayso hay’adda FAO.”

Mudane Cabdirashiid waxa uu intaas ku daray in caqabadaha ugu waaweyn ee xoolaha haystaa ay tahay biyo la’aanta, gaar ahaan degmada Lughaya, taas oo sababtay nafaqo-darro ba’an oo soo wajahday Xoolaha. Waxa kale oo uu xusay in abaartu ay sababtay in deegaano fog oo gobolka ka tirsan aanu si buuxda u gaadhin adeegyada muhiimka ahi, taas oo uu ku sababeeyey waqtiga oo koobnaa.

Isu-duwaha wasaaraddas xannaanada xoolaha ee gobolka Awdal oo ka hadlayay qorshaha horumarinta mustaqbalka ee wasaaradda, waxa uu sheegay in wasiirka wasaaradda xanaanada xooluhu dhawaan ku dhawaaqay qorshe lagu sameynayo kaydadka calaf xoolaha oo laga hirgelinayo Banka Wajaale iyo Aroori, si loogu diyaar garoobo abaaraha soo noqnoqda.

Sidoo kale, Isuduwe Cadirashiid waxa uu tilmaamay in wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland uu ballan qaaday in ceelal cusub laga qodi doono deegaanada xeebaha gobolka Awdal, kuwaas oo si gaar ah ugu nugul biyo-yaraanta.

Dhanka kale Isuduwaha ayaa wargayska Dawan u sheegay in wasaaradda xanaanada xoolahu ay tabobaro joogto ah siiyaan dadka deegaanka u jooga daryeelka Caafimaadka Xoolaha, iyada oo qaar ka mid ah shaqaalaha lagu tababaray aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada xoolaha, halka kuwa kalena lagu tabobaray sida loo maamulo kaydka calafka xoolaha.

"Waxa jira dad loo tababaray inay qayb ka noqdaan shaqada caafimaadka xoolaha. Waxaa jira kuwo ka shaqeeya kaydka calafka Xoolaha iyo kuwo aan ku tababarnay xanuunada xoolaha, si ay u gartaan cudurrada una daweeyaan ama ay noo soo sheegaan marka ay xaalado adag jiraan,” ayuu yidhi.

Isu-duwuhu waxa kale oo uu tilmaamay in hay’adaha caalamiga ah sida FAO iyo Save the Children ay si dhow ugala shaqeeyaan wasaaradda xaaladaha la xidhiidha daryeelka xoolaha, gaar ahaan marka ay dhacaan xaaladaha deg-dega ah sida abaaraha.

Gabogabadii, Isuduwaha gobolka Awdale ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Cabdirashiid Rabiile Muuse wuxuu sheegay in inta sannadkan lagu gudo jiro oo keliya adeeg caafimaad loo fidiyay xoolo kor u dhaafaya 100 kun (boqol kun) oo neef, isagoo hoosta ka xarriiqay in wasaaraddu sii wadi doonto hawlaha joogtada ah ee saddexdii biloodba mar laga fuliyo degmooyinka gobolka.

     
Loading...