Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo soo saartay Amar Cusub oo ku Saabsan Dhoofinta Dahabka

Friday August 22, 2025 - 15:01:23
hadhwanaagnews
Dahabka dalka laga dhoofinayo wuxuu ka bixi karaa
May be an image of text
May be an image of text

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa soo saartay amar muhiim ah oo quseeya dhoofinta dahabka dalka, iyadoo la xaqiijiyay dhowr qodob oo muhiim ah:

Dahabka dalka laga dhoofinayo wuxuu ka bixi karaa oo kaliya garoonka diyaaradaha ee Cigaal lama ogola in meel kale laga dhoofiyo.

Dahabka marka la dhoofinayo waa in laga bixiyo canshuur doolar ah, taasoo lagu saleeyay xeerarka cashuuraha ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

Dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh arrintan waa in ay si dhow uga wada shaqeeyaan hirgelinta amarkan, si loo ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Wareegtadan waxaa ku saxeexna wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Axmed Jaamac Barre.
     
Loading...