Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo Kulan La Yeeshay Siyaasiyiin Ruugcaddaa ah

Saturday August 29, 2026 - 15:04:12
hadhwanaagnews
Kulanka oo ay ka qaybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga ayaa diiradda



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Hoggaanka Xisbiga WADDANI, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ruugcaddaa ah ee xisbiga, kuwaas oo hore xilal uga soo qabtay xukuumadihii dalka.

 

Kulanka oo ay ka qaybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga ayaa diiradda lagu saaray Barnaamijka Xubinnimada iyo Qaadhaanka Xisbiga (Party Membership and Subscription Program), iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa ka-qaybgalka xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga.

 

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey dib-u-habaynta ka socota gudaha Xisbiga WADDANI iyo talooyinka ay siyaasiyiinta ruugcaddaa ahi ka bixinayaan jihada iyo hawlaha xisbiga.

 

Hoggaanka xisbiga ayaa sheegay in talooyinka iyo waayo-aragnimada siyaasiyiinta hore xilalka uga soo qabtay ay muhiim u yihiin xoojinta wada-tashiga iyo horumarinta hawlaha xisbiga.

     
Loading...