Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Danjiraha Somaliland u fadhiya
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, oo muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulan la yeeshay madaxda shirkadda DP World iyo hay’adda DP World Foundation.
Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Amb. Mascuud Cali Xasan, iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Siyaasadda ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo sidii loo heli lahaa fursado lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka Somaliland.
Wasiirka ayaa madaxda DP World iyo DP World Foundation warbixin faahfaahsan ka siiyey siyaasadaha iyo qorshayaasha qaranka ee ku wajahan horumarinta caafimaadka, halka ay marayaan dadaallada socda iyo mudnaanta ay Wasaaraddu u dejisay horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee lagu raadinayo iskaashi iyo fursado lagu taageerayo horumarinta adeegyada caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.