Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo adkeeyey nabadaynta Awdal iyo Selel: "Qorigii waa la iska dhigay"

Saturday April 18, 2026 - 02:06:39
hadhwanaagnews
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in socdaalkooda gobolka



Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Aw Cali Cabdi, ayaa si cad u muujiyey in xukuumaddu ka go’an tahay adkaynta nabadda iyo xasilloonida gobollada Awdal iyo Selel, halkaas oo ay ka socdaan dadaallo nabadayneed oo lagu soo afjarayo colaadaha ka jira.


 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in socdaalkooda gobolka Awdal uu ujeedkiisu yahay joojinta shaqaaqooyinka iyo dhiigga daadanaya, isla markaana dib loogu soo celiyo wada noolaanshaha bulshada. Waxa uu xusay in dadaallada nabadayntu ay marayaan heer wanaagsan, isla markaana ay jiraan guulo muuqda oo la gaadhay.


 

"Waxa aanu u nimi keliya oo hada ay ujeedadayadu tahay dilkaa, dhiigaa iyo nabadgelyo daradaa ka jirta gobollada Awdal iyo Selel ee dadka walaalaha ah ee shaydaanku isku diray ayaanu u nimi in aanu wax ka qabano. Alxamdulillaah way fiican tahay, qorigiina waa la iska dhigay,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.


 

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay madaxda dhaqanka iyo bulshada ku dhaqan gobolka Awdal inay si buuxda uga qayb qaataan hirgelinta nabadda, isaga oo xusay in nabadgelyadu ay tahay masuuliyad wada jir ah oo saaran qof kasta.


 

"Waxa aan idin ka codsanaynaa marka hore in aad noo ducaysaan in Ilaahay nagu asturo, marka labaadna in aad ka qayb qaadataan oo aydaan cidna ka eegin, waayo nabadgelyadu cid walba way khusaysaa,” ayuu yidhi.


 

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa caddeeyey in xukuumaddu diyaar u tahay inay si hagar la’aan ah uga shaqayso nabadda, isagoo ballan qaaday in aanay waxba ka gaabin doonin meel kasta oo loo baahdo.


 

"Annagu dawlad ahaan waxba hagran mayno, meesha ay doonto ha na la marto,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

     
Loading...