HADHWANAAGNEWS
Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa war ka soo saaray warar saacadihii u dambeeyey ku faafayey baraha bulshada, kuwaas oo la xidhiidha nin u dhashay dalka Suuriya oo lagu xidhay magaalada Hargeysa.
Qoraal ay arrintan ka soo saareen Boolisku ayaa lagu sheegay in ninkaasi lagu soo qabtay waaran maxkamadeed oo ay soo saartay Maxkamadda Degmada Hargeysa. Sidoo kale, Taliska ayaa caddeeyey in tallaabo laga qaaday askartii ku lug lahayd qaabkii loo fuliyey hawlgalkaasi.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu xaqiijiyey in ninkaasi muuqaallo ku baahiyey baraha bulshada isaga oo cabasho ka muujinaya qaabkii loo qabtay. Hase yeeshee, Boolisku waxay sheegeen in qabashadiisu ku timid waaran sharci ah oo maxkamaddu soo jartay.
Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu muujiyey ka xumaanshaha qaabka ay wax u dhaceen intii hawlgalkaasi socday, isaga oo tilmaamay in si degdeg ah tallaabo looga qaaday askartii falkaas samaysay, isla markaana uu socdo baadhitaan dheeraad ah.
Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale caddeeyey inay ka go’an tahay ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dhammaan dadka ku sugan dalka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla.