Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Oo Afur Wadareed U Sameeyey Hablaha Dhakhaatiirta Takhasuska Leh SAWIRO

Wednesday March 11, 2026 - 13:49:51
hadhwanaagnews
Munaasibadda waxaa ugu horreyn hadal ka jeediyey Madaxa Dhakhaatiirta


May be an image of one or more people and people smiling

Masuuliyiinta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa qabtay munaasibad afur wadareed ah oo loo sameeyey hablaha dhakhaatiirta takhasuska leh ee ka hawlgala cusbitaalka. Kulankan ayaa ahaa mid loogu talagalay dhiirigelin, is-xogwaraysi iyo mahadcelin lagu muujinayo dadaalka ay dhakhaatiirtu ku bixiyaan adeegyada caafimaadka.


 

Munaasibadda waxaa ugu horreyn hadal ka jeediyey Madaxa Dhakhaatiirta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr Cabdicasiis, oo sheegay in ay muhiim tahay in la dhiirrigeliyo dhakhaatiirta, gaar ahaan hablaha takhasuska leh ee ka shaqeeya cusbitaalka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata daryeelka iyo badbaadinta bukaannada.


 

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr Axmedweli Daahir Xaddi, Agaasime Ku-xigeenka Cusbitaalka Dr Cabdiraxmaan Cayngal, Madaxa Dhakhaatiirta Dr Cabdicasiis iyo qaar ka mid ah madax-qaybeedyada cusbitaalka.


 

Intii uu kulanku socday, hablaha dhakhaatiirta takhasuska leh ayaa maamulka cusbitaalka uga warramay xaaladaha shaqo ee ay ku hawlgalaan, iyaga oo sidoo kale uga mahadceliyey sida ay madaxdu u dhegeysteen una garteen duruufaha shaqadooda.


 

Agaasime Ku-xigeenka Cusbitaalka, Dr Cabdiraxmaan Cayngal, ayaa isaguna ka hadlay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta iyo dhiirigelinta dhakhaatiirta si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaad ee cusbitaalka.


 

Ugu dambayn, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr Axmedweli Daahir Xaddi, ayaa soo xidhay kulanka, isaga oo uga mahadceliyey dhakhaatiirta ka soo qaybgalay, isla markaana ku booriyey inay sii xoojiyaan dedaalkooda ku aaddan u adeegidda bulshada, gaar ahaan bisha barakaysan ee Ramadaan.

May be an image of one or more people and headscarf
May be an image of one or more people and headscarf
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people, people smiling and eyeglasses
May be an image of one or more people, beard, people smiling and eyeglasses
May be an image of one or more people and headscarf
May be an image of one or more people and headscarf
May be an image of one or more people, dais and text
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people and text




     
Loading...