Cusbitaalka Guud ee Boorama Oo Lagu Wareejiyey Mishiin Casri ah oo CT Scan ah

Wednesday March 11, 2026 - 13:44:41
hadhwanaagnews
Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in mishiinkan CT Scan uu door weyn...


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo wafti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray Gobolka Awdal, ayaa Isuduwaha Wasaaradda ee gobolka ku wareejiyey mishiin casri ah oo nooca CT Scan ah, kaas oo loogu talagalay Cusbitaalka Guud ee magaalada Boorama.


 

Mishiinkan ayaa qayb ka ah ballanqaadyadii uu hore u sameeyey Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaas oo la xiriiray horumarinta adeegyada caafimaadka iyo gaarsiinta qalab caafimaad oo casri ah gobollada dalka.


 

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in mishiinkan CT Scan uu door weyn ka qaadan doono kor u qaadista adeegyada caafimaadka ee gobolka Awdal, gaar ahaan dhinaca baadhista iyo ogaanshaha cudurrada u baahan sawir-qaadis casri ah. Waxa uu xusay in qalabkani sidoo kale yareyn doono baahida bukaanada loogu diri jiray magaalooyin kale si loo sameeyo baadhitaanno noocan ah.


 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu tilmaamay in hirgelinta qalabkan caafimaad ay qayb ka tahay dadaallada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka, isla markaana ay muujinayso fulinta ballanqaadyadii Madaxweynaha ee ku saabsanaa kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka iyo gaarsiinta qalab casri ah xarumaha caafimaadka ee gobollada.

     
Loading...